HomeWararTifaftirihii Guud ee Wargeyska Mucaaradka ee dalka Turkiga oo la xiray.

Tifaftirihii Guud ee Wargeyska Mucaaradka ee dalka Turkiga oo la xiray.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Boliska Turkiga ayaa la sheegay inay maanta xireen Tifaftirihii Guud ee Wargeyska Jamhuuriyeet, Muraad Sabunju iyo Qoraa ka shaqeeya Wargeyskaasi oo lagu magacaabo Guray OZ. Dacwad-oogayaasha dalkaasi ayaa soo saaray Amar lagu soo xirayo 13 Hawl-fuliyayaal iyo Qorayaasha Wargeyska Jamhuuriyeet, oo uu ku jiro Guddoomiyaha Dabacaadda Wargeyskaasi. Jamhuuriyeet  ayaa can ku ah inay si kulul […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska Turkiga ayaa la sheegay inay maanta xireen Tifaftirihii Guud ee Wargeyska Jamhuuriyeet, Muraad Sabunju iyo Qoraa ka shaqeeya Wargeyskaasi oo lagu magacaabo Guray OZ.

Dacwad-oogayaasha dalkaasi ayaa soo saaray Amar lagu soo xirayo 13 Hawl-fuliyayaal iyo Qorayaasha Wargeyska Jamhuuriyeet, oo uu ku jiro Guddoomiyaha Dabacaadda Wargeyskaasi.

- Advertisement -

Jamhuuriyeet  ayaa can ku ah inay si kulul u naqdiyaan Dowladda Turkiga, waxayna Dareenka Caalamka ku soo jeediyeen sannadkii hore, kadib, markii ay baahiyeen inay Sirdoonka Turkiga gawaari siday Hub u direen Dagaalamayaasha ka soo horjeeda Dowladda Syria.

Dowladda Turkiga waxay mid ka mid ah Qorayaasha oo lagu magacaabo Kaan Dundar ku xukuntay 6 sanno, kadib, markii uu daabacay Sirta Qaranka.

Kaan Dundar oo haatan ku nool Jarmalka waxa uu meesha ka saaray inuu ku soo laabto dalka Turkiga ilaa laga qaadayo Xukunka Degdegga.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska Yeni Safka ee taabacsan Dowladda Turkiga ayaa ku sheegay Websaytkooda in Suxufiyiinta la xiray la baarayo Eedeymaha sheegayo inay xiriir la leeyihiin Fatxullaahi Gulen oo la tuhunsan yahay inuu ahaa Hoggaamiyihii Afgembigii Fashilmay ee bartamihii bishii July ka dhacay dalkaasi.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts