HomeWararUganda oo ka hadashay Askari ay Xarakadda Alshabaab  dhawaan soo bandhigeen.

Uganda oo ka hadashay Askari ay Xarakadda Alshabaab  dhawaan soo bandhigeen.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Xarakadda Al-shabaab waxay Isniintii la soo dhaafay soo bandhigeen Muuqaal Video oo muujinaya Askari  u  dhashay Uganda iyo Kenya, kaasi oo ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku qabteen weerarkii ay sannadkii hore ku qaadeen  Saldhigyo ay AMISOM ku lahaayeen Degaanka Jannaale  ee Gobalka Sh/hoose . Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Paddy Ankuna ayaa sheegay inay qaadayaan Falka ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xarakadda Al-shabaab waxay Isniintii la soo dhaafay soo bandhigeen Muuqaal Video oo muujinaya Askari  u  dhashay Uganda iyo Kenya, kaasi oo ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku qabteen weerarkii ay sannadkii hore ku qaadeen  Saldhigyo ay AMISOM ku lahaayeen Degaanka Jannaale  ee Gobalka Sh/hoose .

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Paddy Ankuna ayaa sheegay inay qaadayaan Falka ku habboon ee  horseedi kara in la sii daayo Askarigii ay Alshabaab ku qabteen Dagaalkii bishii September 1-deedii ee sannadkii hore ka dhacay Saldhigii Askarta Uganda ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Jannaale.

- Advertisement -

Isagoo khadka Telefoonka kula hadlayey Wakaalladda Wararka XINHUA ayuu sheegay in Taliska Sare ee Ciiddanka Uganda ee UPDF ka walaacsan yihiin Nolosha Askariga ay Xarakadda Al-shabaab soo bandhigeen, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Masasa.

“Waxaan weli darsaynaa Muuqaalkaasi, waana ka walaacsanahay Noloshiisa. Waxaan samaynaynaa tallaabo kasta oo lagu soo badbaadin karo” ayuu yiri Paddy Ankunda oo intaasi ku daray inay Al-shabaab mas’uuliyad ka saaran tahay nolosha Askarigaas, waa sida uu hadalka u yiri.

Muuqaalka Video-ga ee uu ka soo muuqday Askariga Ugandeseka waxa uu Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka ee Uganda ka codsaday inay Wada-xaajood la galaan Alshabaab  sidii isaga loo soo dayn lahaa.

- Advertisement -

Askariga waxa uu tilmaamay inuu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana aan la dhibaataynin.

askari-uganda

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts