HomeWararMichael Keating: “Xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka ee haatan waa Daryeele (Care-taker)”

Michael Keating: “Xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka ee haatan waa Daryeele (Care-taker)”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating oo  bishan September 27-dii Wareysi Muuqaal ah siiyey Websaytka innercitypress.com ayaa sheegay maadaama uu dhamaaday xilliga Madaxweynaha Dowladda Federalka, inuu xilkaasi sii hayn doono inta laga dooranayo Madaxweyne cusub. Mar wax laga weydiiyey Magaca loogu yeeri karo Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating oo  bishan September 27-dii Wareysi Muuqaal ah siiyey Websaytka innercitypress.com ayaa sheegay maadaama uu dhamaaday xilliga Madaxweynaha Dowladda Federalka, inuu xilkaasi sii hayn doono inta laga dooranayo Madaxweyne cusub.

Mar wax laga weydiiyey Magaca loogu yeeri karo Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Michael Keating sheegay inkastoo uu Madaxweyne Sharci yahay, haddana waxay dhibaato ka taagan tahay Dastuurka Somalia oo aan ku caddayn sida laga yeeli karo xaalladdan oo kale.              

- Advertisement -

“Xilkiisa Waa Sharci, laakiin Dhibaato ayaa ka jirta Dastuurka Somalia, kuma cadda sida laga yeelayo xaalladdan oo kale, iyadoo Madaxweynuhu ka dhamaaday Xilligiisa, lana gaarin xilli uu Madaxweyne kale ku wareejiyo. Madaxweyne Xasan hadda waa Musharax, waxaana xilka uu haatan hayo yahay Madaxweyne Sii-haye ah ama Daryeele (Care-taker), ilaa uu Madaxweyne kale xilka kala wareegayo“

Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dhamaaday Xilli-hawleedkiisa Afarta sanno, haddana Madaxda Madasha Qaranka iyo Barlamaanka Federalka ayaa u codeeyey inuu sii hayo xilkaasi ilaa laga gaarayo xilliga ay ka dhacayso Doorashadda Madaxtinimadda Somalia.

Michael Keating mar wax laga weydiiyey cidda Somalia u matali doonta Shirarka QM iyo kuwa Caalamka, waxa uu tusaale u soo qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, C/salaam Hadliye Cumar oo  Somalia u matalayey Shirkii 71-aad ee Golaha Guud ee QM,  isla markaana la kulmay Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon.

- Advertisement -

Ergayga waxaa mar kale lagu celiyey su’aashaasi, wuxuuna tilmaamay inay  Golaha Fulinta ee Xukuumadda  Somalia magaca Somalia ku matali doonaan Shirarka Caalamiga ilaa laga soo dhisayo Dowlad cusub.

Dhinaca kale, Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxaa wax laga weydiiyey haddii uu hayo caddaymo muujinaya inay Dowladda Eritrea taageerto Xarakadda Alshabaab, waxa uu sheegay inuusan haynin caddaymo muujinaya inay Alshabaab taageero ka helaan Dowladda Eritrea.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Hadafka Cunaqbataynta Somalia tahay sidii looga hortegi lahaa Hubka iyo Dhaqaalaha ku soo qulqulayo gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Wareysiga Muquaalka ee  lala yeeshay Michael Keating oo aad u dheeraa, waxa kale oo uu kaga hadlay Baahida Dhaqaale ee haysata Ciiddanka AMISOM iyo Codsiga Reer Somaliland ku doonayaan inay ku noqdaan Dal ka madax-bannaan Somalia.

Xigasho: innercitypress.com

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts