HomeWararMaxkamad Sare ee Uganda oo ku gacan sayrtay in damiin lagu sii...

Maxkamad Sare ee Uganda oo ku gacan sayrtay in damiin lagu sii daayo dhallinyaro Soomaali lala xiririinayo Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Garsoore Elizabeth Nahamya oo Madax ka aha Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee dagaalka ee Maxkmadda Sare ee Uganda ayaa diiday in ay dhegeysato Codsi ay u soo gudbiyeen 8 Dhallinyaro Somali oo lagu soo oogay waxa loogu yeeray Dembi Argagixiso. Dhallinyarada ayaa dalbaday in  lagu sii daayo Damiin ilaa laga gaarayo marka ay Maxkamadda dib u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garsoore Elizabeth Nahamya oo Madax ka aha Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee dagaalka ee Maxkmadda Sare ee Uganda ayaa diiday in ay dhegeysato Codsi ay u soo gudbiyeen 8 Dhallinyaro Somali oo lagu soo oogay waxa loogu yeeray Dembi Argagixiso.

Dhallinyarada ayaa dalbaday in  lagu sii daayo Damiin ilaa laga gaarayo marka ay Maxkamadda dib u dhegeysanayso Kiiskooda.

- Advertisement -

Garsoore Elizabeth Nahamya ayaa ku amartay Maxkamadda La-dagaalanka Musuqa (The Anti-Corruption Court ) inay diiwaan geliyaan Taariikhda la dhegeysanayo Codsiga Rafcaanka isbuuca dambe, ka hor intaysan bilaabanin dib u dhegeysiga dacwadooda bishan September 26-da.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala, waxaa 8-da Eedeysane oo dhamaantooda ah Muwaadiniin Soomaali ah wajahayaan  Labo Dacwad oo kala ah inay taageereen Argagixiso iyo inay ka tirsan yihiin Urur Argagixiso.

Eedeysanayaashaasi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:

- Advertisement -
  1. Mohamed Abdulkadir Hirsi oo lagu naanayso Mohamed Abdul Aziz Adan,
  2. Abdi Abdullahi Bootan,
  3. Hassan Abduwali Mohamoud,
  4. Mohamed Ahmed Gele,
  5. Yusuf Osman Hussein,
  6. Abdi Ali,
  7. Abdul Kadir Mohamed Mohamud Sandir
  8. Mohamad Yusuf Farah.

Dacawad-oogayaasha waxay sheegeen in Kooxdan iyo kuwo kale oo la baadi-goobayo gudaha Somalia, Kenya iyo Uganda ay taageer siiyeen Xarakadda Alshabaab.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts