HomeWararMeydka Marxuum Samatar Oo Lagu Aasay Magaaladda Muqdishu (Sawirro)

Meydka Marxuum Samatar Oo Lagu Aasay Magaaladda Muqdishu (Sawirro)

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

  Meydka Alle ha-unaxariistee Marxuum Maxamed Cali Samatar ayaa maanta lagu aasay, gudaha wasaaradda Gaashaan-dhiga ee Magaaladda Mogadishu. Meydka Marxuumka ayaa waxaa barqadii maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa Salaam Meyd ku siiyay Garoonka Markii Meydka lasoo dajiyay, waxaana garoonka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Meydka Alle ha-unaxariistee Marxuum Maxamed Cali Samatar ayaa maanta lagu aasay, gudaha wasaaradda Gaashaan-dhiga ee Magaaladda Mogadishu.

- Advertisement -

Meydka Marxuumka ayaa waxaa barqadii maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa Salaam Meyd ku siiyay Garoonka Markii Meydka lasoo dajiyay, waxaana garoonka ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil ciidan iyo dadweyne kala duwan oo wajiyadoodu dabooshay tiiraanyo aad u weyn.

Madaxweynaha Soomaaliya, raisul’wasaaraha Soomaaliya, xildhibaano iyo xubo kale ayaa ka qeybgalay aaska Marxuumka, oo dhawaan ku geeryooday gobolka vergina ee dalka Mareykanka.

- Advertisement -

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo waddooyinka qaar lagu arkayo ciidamo aad u feejigan oo sugaya amniga.

Halkaan ka aqriso Taariiqda Marxuumka oo kooban:

S/guud Maxamed Cali Samatar wuxuuna ka mid noqday golihii sare ee kacaanka raggii ugu muhiimsanaa, waa kuwii ka dhigay Soomaaliya dowlad casri ah oo la jaanqaadda nidaamkii dowliga ahaa, wuxuu waqti dheer ka ahaa dowladii kacaanka madaxwayne ku xigeenka kowaad iyo wasiirka gaashaandhigga, ugu dambayntii wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii kacaanka.

S/Guud Maxamed Cali Samatar  wuxuu ahaa nin aad u furfur oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeysay ee Soomaali ah ee abid gaara derejada S/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaaray S/Guud Samatar wuxuu ku gaaray aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaaray xilligaas, wuxuuna ahaa kii dhisay ciidankii ugu xoogga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay In loogu yeero General kii kowaad ee Afrika.

S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa nin furfuran oo kasbada cid kasta oo ay kulmaan ama wada shaqayaan, taas ayaa waxa ay ka yeeshay nin ay aad u jecel yihiin dhamaan ciidamadii qaranka, ciidamada caadiga ahi waxay u jeclaayeen si aanay u jeclayn saraakiishii iyaga madaxda u ahayd markaas, taas oo had iyo jeer si xoog leh looga dareemi jiray ciidamada dhexdooda, sidoo kale wuxuu ahaa nin ay guud ahaan jecelaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar dhinac kasta oo laga eego wuxuu ahaa nin dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, hamigiisa keli ahina wuxuu ahaa siduu wadankiisa horumar u gaarsiin lahaa.

S/guud Maxamed Cali Samatar ayaa xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka iyadoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Cali Samatar.

 

14022086_1752413918361262_5852783613757265170_n - Copy 14022086_1752413918361262_5852783613757265170_n 14034799_647137668795941_3403120215873489277_n 14054206_647137488795959_1498487779996399067_n 14064225_647137682129273_6191329041356855734_n 14068125_647137735462601_5533103121132376308_n 14079916_647137895462585_1342949706947601235_n 14088456_959024567556346_5708091497957913332_n - Copy 14088456_959024567556346_5708091497957913332_n 14088475_647137825462592_8597649531672517133_n 14089295_647137805462594_6532921788419557887_n 14141748_647137962129245_7718143979927342454_n

14102524_959024590889677_6498556950738225224_n 14137856_10205590118432504_1159359581_n-1 14088581_1042842099146434_1908563389880758217_n - Copy 14022086_1752413918361262_5852783613757265170_n - Copy 14040032_1752413838361270_1214714059169357710_n - Copy 14045709_959024547556348_6011611882700607816_n - Copy 14064012_1042842172479760_4364050023602289830_n - Copy 14079649_1042842125813098_6886039507310086687_n - Copy 14088456_959024567556346_5708091497957913332_n - Copy 14089109_1042842062479771_1537511987212388205_n

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts