HomeWararHowlgallo qorshaysan oo Ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen Jubbada Dhexe

Howlgallo qorshaysan oo Ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen Jubbada Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Sunguuni ee gobolka Jubadda dhexe, waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab. Deegaanka Sunguuni ayaa ah, mid istiratiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba. Sidoo kale howgalka laga sameeyey degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda Hargeysa Yareey ayaa lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Sunguuni ee gobolka Jubadda dhexe, waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab. Deegaanka Sunguuni ayaa ah, mid istiratiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba.

Sidoo kale howgalka laga sameeyey degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda Hargeysa Yareey ayaa lagu gubay gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro ka tirsan Al Shabaab.

- Advertisement -

Howlgalladan oo ahaa mid is dhaba joog ah ayaa laga sameeyay degmadda Saakow oo saldhig weyn u ah Alshabab waxaana lagu dilay hogaamiyaal  muhim ah oo dib loo faahfaahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.

Ugu dambeyn, abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo  Al-shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo, sida uu hadalka u dhigay

—-DHAMMAAD—–

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts