HomeWararEhelada Wiil la dhashay Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka hadlay dilka...

Ehelada Wiil la dhashay Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka hadlay dilka wiilkasi

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Aamina Cabdiqaadir oo kamid ah ehelka Cabdixamiid Sheekh Cabdiqaadir oo shalay ay toogten ciidamo ku labisnaa dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in walaalkeeda uusan ku dhiman meel u dhaw hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ku sheegtay wareysi gaar ah oo ay siisay radio Dalsan in Cabdixamiid si ku tala gal ah loo […]

- Advertisement -

Aamina Cabdiqaadir oo kamid ah ehelka Cabdixamiid Sheekh Cabdiqaadir oo shalay ay toogten ciidamo ku labisnaa dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in walaalkeeda uusan ku dhiman meel u dhaw hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay ku sheegtay wareysi gaar ah oo ay siisay radio Dalsan in Cabdixamiid si ku tala gal ah loo toogtay isaga oo watay gaarigiisa.

- Advertisement -

Aamina waxa ay intaasi ku dartay in Cabdixamiid lagu dilay suuqa siigale waxaana toogtay askar wadatay gaari nooca Cabdibilaha oo ay ciidanka qaatan sida ay Dalsan u sheegtay.

Dilka Marxuum cabdixamiid Sheekh Cabdiqaadir ayaa dhacay wax yar kadib markii uu qaraxa ka dhacay Hotelka Ambassador,waxa ayna cadeysay in Cabdixamiid uusan ku sugneyn waqtiga la dilayay meel ku dhaw halka weerarka uu ka socday.

Halkan hoose ka dhaceyso wareysiga oo dhameystiran:-

Latest stories