HomeWararQM oo ugu baaqday Dowladda Federalka in la xoojiyo Awoodda Garsoorka iyo...

QM oo ugu baaqday Dowladda Federalka in la xoojiyo Awoodda Garsoorka iyo Boliska, lana  joojiyo Xeer Soomaaliga.

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Khabiirka madaxa bannaan ee QM ugu qaabilsan xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Bahame Tom Mularya Nyanduga waxa u uku baaqay Dowladda Federalka in sare loo qaado Awoodda Hay’adaha Garsoorka iyo Ciiddanka Boliska si ay gacanta ugu dhigaan fal-dembiyeedyadda kufsiga.

Khabiirka oo u dhashay dalka Tanzania ayaa hadalkaasi sheegay kadib, markii uu dhamaysto booqasho hawleed oo muddo hal isbuuc ah ku joogay Somalia, isagoo soo booqday magaalloooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, lana kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Taliska AMISO, Hay’addaha QM ee Somalia, Wakiilo ka kala socday Dowlad-gobaleedyadda Jubbaland iyo K/Galbeed, Warbaahinta iyo Bulshadda Rayidka.

Khabiirka waxa uu Dowladda Somalia kala hadlay Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, Tacadiyadda ka dhanka ah Sharafta Haweenka iyo in la yareeyo Xukunadda Dilalka.

Khabiirka madaxa bannaan ee QM ugu qaabilsan xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Tom Mularya Nyanduga oo dhamaystay booqashadiisa 3-aad ee uu ku yimaado Somalia, ayaa sheegay in Xeer Soomaaliga ee Dhaqanka inuu dhibaato ku yahay Nidaamka Go’aan-gaarista ee Hay’addaha Sharciga, isla markaana uu Xeer Soomaaliga weeli door muhiim u leeyahay dadka Soomaalida.

Khabiirka waxa uu walaac xooggan ka muujiyey in maqnaanshaha Nidaamka Caddaaladda ee qeybo ka mid ah Somalia sababtay inay Odayaasha Dhaqanka Xeer Soomaaliga ku xaliyaan dembiyadda Kufsiga iyo Tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka.

Dhinaca kale, Kabiirka waxa uu Dowladad Federalka, Barlamaanka iyo Maamul-gobaleedyadad ku ammaanay sida ay uga go’an tahay inay Doorashooyin ka dhacaan Somalia dabayaaqadda sannadkan iyo in Haweenka saami 30% laga siinayo Kuraasta Barlamaanka cusub.

Waxa uu walaac ka muujiyey inay saamiyadad Dhallinyarada, dadka la tiro badan yahay iyo kuwa naafadda aysan helin ballaanqaad ay xubno ku yeelan doonaan Barlamaanka cusub.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories