HomeWararAxmed Madoobe iyo Odayaasha Beesha Barre Hiiraale oo ku kulmayo Nairobi

Axmed Madoobe iyo Odayaasha Beesha Barre Hiiraale oo ku kulmayo Nairobi

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery waxa uu Xafiiskiisa kula kulmay Siyaasiyiin iyo Odayaal-dhaqameed ka socda mid ka mid ah Beelaha deggan Gedo iyo Jubbooyinka oo uu kala hadlay sugidda Ammaanka Xuduudka iyo inay iskaashi la yeeshaan Ciiddanka Kenya ee ka hawlgala Goballaddaasi. Wasiirka waxa uu ku booriyey Madaxda Beesha uu la kulmay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery waxa uu Xafiiskiisa kula kulmay Siyaasiyiin iyo Odayaal-dhaqameed ka socda mid ka mid ah Beelaha deggan Gedo iyo Jubbooyinka oo uu kala hadlay sugidda Ammaanka Xuduudka iyo inay iskaashi la yeeshaan Ciiddanka Kenya ee ka hawlgala Goballaddaasi.

Wasiirka waxa uu ku booriyey Madaxda Beesha uu la kulmay inay ka shaqeeyaan Ammaanka iyo  inay labada dhinac si wadajir ula dagaalamaan Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda ee dhibaatooyinka u geysta Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Dhaqanka ee Beeshaasi waxay magaalladda Nairobi ku leeyihiin Shirweyne ay kaga hadlayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Deganaanshaha xuduudka labada dal.

madoobe iyo hiiraaleDhinaca kale, Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa la filayaa inay isaga iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkiisa  u ambabaxaan magaalladda  Nairobi si ay ula kulmaan Odayaasha Dhaqanka ee haatan ku sugan Nairobi.

Kulankaasi ayaa la filayaa inay Dowladda Kenya dhexdhexaadiso labada dhinac, si loo gaaro Is-faham ku aadan inay si wadajir uga shaqeeyaan Deganaansha Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts