HomeWararKenya oo dib u bilaabayso Gidaarka laga dhisayo Xuduudka Somalia.

Kenya oo dib u bilaabayso Gidaarka laga dhisayo Xuduudka Somalia.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaciyey inay sii wadi doonaan dhismaha Xayndaabkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 700-KM, kaasi oo uu sheegay in loogu talagalay in lagu hakiyo weeraradda ay Alshabaab ka geysteen gudaha Kenya. Joseph Nkaissery ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Odayaal Somali, wuxuuna xusay inuusan Xayndaabkaasi xakamayn doonin […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaciyey inay sii wadi doonaan dhismaha Xayndaabkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 700-KM, kaasi oo uu sheegay in loogu talagalay in lagu hakiyo weeraradda ay Alshabaab ka geysteen gudaha Kenya.

Joseph Nkaissery ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Odayaal Somali, wuxuuna xusay inuusan Xayndaabkaasi xakamayn doonin dhaqdhaqaaqa dadka isaga kala gooshayo labada dhinac ee Xuduudka Somalia iyo Kenya wadaagaan.

- Advertisement -

“Xayndaabkani waxa uu inaga taageerayaa inaan hubino dadka, sida Alshabaab ee isaga kala gudubayo labada dhinac, balse, lama celinayo, lamana xadidayo dadka caadiga ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray in Baro laga soo galo, lagana baxo la sameynayo Degmooyinka Mandera, Ceelwaaq, Libooya iyo Degaannadda kale ilaa Degmadda Laamu, isla markaana ay Boliska, Saraakiisha Waaxda Canshuuraha iyo Xafiisyo kale laga hirgelinayo goobahaasi.

Xayndaabka ay Kenya dib u bilaabayso ayaa la sheegay inuu isku xirayo dhamaan Xuduudka Somalia iyo Kenya, laga bilaabo Degmadda Kiunga ee Gobalka Lamu ilaa Xuduudka Mandhere iyo Ethiopia ee Webiga Daawa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska The Standard oo warkan qoray ayaa sheegay inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya la kulmay Odayaal ka soo jeeda Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, halkaasi oo ay Xarakadda Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku dileen in ka badan 80 Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka Kenyan ee  ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde.

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories