HomeWararSaraakiisha Koonfurta Afrika oo ilaalo ku haya goobihii Ganacsatadda Soomaalida ku lahaayeen...

Saraakiisha Koonfurta Afrika oo ilaalo ku haya goobihii Ganacsatadda Soomaalida ku lahaayeen Deegaanka Dunoon.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Saraakiisha Xoojinta Ammaanka ee dalka Koonfurta ayaa weli ku sugan Deegaanka Dunoon ee ka tirsan magaalladda Keeb Tawn, halkaasi oo Ganacsato badan oo Somali ah lagu khasbay inay naftooda la baxsadaan, kadib, markii la boobay hantida u tiillay goobahooda Ganacsiga. Qaar ka mid ah dadka Deegaanka ee Dunoon waxay habeen hore ilaa shalay wadeen Dibadbaxyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiisha Xoojinta Ammaanka ee dalka Koonfurta ayaa weli ku sugan Deegaanka Dunoon ee ka tirsan magaalladda Keeb Tawn, halkaasi oo Ganacsato badan oo Somali ah lagu khasbay inay naftooda la baxsadaan, kadib, markii la boobay hantida u tiillay goobahooda Ganacsiga.

Qaar ka mid ah dadka Deegaanka ee Dunoon waxay habeen hore ilaa shalay wadeen Dibadbaxyo iyo Boob ay u geysteen goobaha ganacsiga ee ay Shisheeyaha Afrikaanka ku leeyihiin Deegaankaasi.

- Advertisement -

Dibadbaxayaal wax bililiqeysanayey waxay saxmad ka dhigeen Waddooyinka, iyadoo Dugsiyadda la xiray inta ay dibadbaxayaasha ka socdeen Waddooyinka.

Amina Omar oo ah Ganacsato 4 carruur leh ayaa sheegtay inaysan nabad ku haysanin Koonfur Afrika, isla markaana ay khatar ku jirto Noloshooda.

Amina Omar oo dalka Koonfurta Afrika ku noolayd muddo dheer waxay sheegtay inay dadka deriska ah boobeen hantideeda, balse ay iyada iyo carruurteeda ka soo carareen goobtooda Ganacsiga.

- Advertisement -

Waxay kaloo tilmaamtay inay dhacdooyinka boobka la kulantay sannadkii 2008-dii, xilligaasi oo ay Koonfur Afrika ka dhaceen weeraro Isir-nacayb ahaa.

Sucdi Cumar oo iyadana Ganacsato ah ayaa la boobay dhamaan wixii u yaalla Dukaan ay ku lahayd Deegaanka Dunoon, waxayna sheegtay in Dukaankooda la boobay xilli habeen ah, balse ay subaaxnimadii tegtay si ay u soo eegtointa uu la eg yahay  khasaaraha loo geystay.

“Dibadbaxayaasha waxay rabaan inay Dowladda aragto, waxay dadkani samaynayaan. Waxay ku leeyihiin Waxaad haysataan Lacagm Dukaan, Annagana waxba ma haysano” ayey tiri Sucdi Omar oo iyada  iyo Qoyskeeda yimaadeen KoonfurAfrika sannadkii 2005-tii oo ay Dukaan ka asaasteen Deegaanka Dunoon

Dhinaca kale, Madaxa Maamulka ee Deegaanka Dunoon, Lubabalo Makeleni ayaa sheegay inuu boobkaasi bilowday, kadib, markii ay dadka Deegaanka ka caroodeen Dowladda Hoose oo aan ka jawaabin codsi ay ku doonayeen in lagu siiyo dhul ay deggaan.

Waxa uu sheegay inay Maamulka Deegaanka Dunoon ka xun yihiin boobka loo geystay Ganacsatadda Afrikaanka, gaar ahaan kuwa Soomaalida, wuxuuna xusay inuu Dibadbaxu u dhacay qaab qaldan

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Burcad Koonfur Afrikaan ay boobaan goobaha Ganacsiga ee ay dadka Soomaalida ku leeyihiin duleedka magaalladda Cape Town.

looting

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts