HomeWararMusharax Saciid C/llaahi Deni: ‘Haddii la ii doorto Madaxweyne waxaan wax badan...

Musharax Saciid C/llaahi Deni: ‘Haddii la ii doorto Madaxweyne waxaan wax badan ka qaban doonaa Ammaanka, Caddaaladda iyo Horumarka Bulshadda”.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Md. Saciid C/llaahi Maxamed Deni oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia oo isagoo ku sugan magaalladda Nairobi Wareysi khaas ah siiyey Radio Dalsan ayaa iclaamiyey inuu yahay Musharax u tagaan Xilka Doorashadda Madaxweynaha cusub ee Somalia oo lagu wado in la qabto bisha September ee sannadkan. Musharax Saciid C/llaahi Maxamed Deni oo ahaa Wasiirkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Md. Saciid C/llaahi Maxamed Deni oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia oo isagoo ku sugan magaalladda Nairobi Wareysi khaas ah siiyey Radio Dalsan ayaa iclaamiyey inuu yahay Musharax u tagaan Xilka Doorashadda Madaxweynaha cusub ee Somalia oo lagu wado in la qabto bisha September ee sannadkan.

Musharax Saciid C/llaahi Maxamed Deni oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta ee Xukuumaddii uu Ra’isul-wasaaraha ka ah C/weli Sheekh Maxamed waxa tilmaamay inuu ku han weyn yahay inuu ku guuleysan doono Doorashadaasi haddii uu Alle yiraahdo, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu leeyahay Khibradda u sahli karta inuu ku guuleysto Xilkaasi.

- Advertisement -

Musharaxa waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay Qorshihiisa Hawleed marka uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha Somalia inuu Isbedel ku samayn doono dhinacyadda Maamulka, Istaraatijiyadda Siyaasadda Dalka iyo midda Bulsho, si loo gaaro Deganaansho, Midnimo iyo in la soo celiyo Haybadda iyo Karaamadda Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan muhiimad saari doonaa Ammaanka, Dib-u-dhiska iyo Daryeelka Ciiddanka Qaranka, Horumarka, Midnimadda, Caddaaladda, Waxbarashadda, Dhiirigelinta iyo Shaqo-u-abuurista Dhallinyaradda si ay kaalin uga qaataan Dib-dhiska Soomaalida Cusub” ayuu yiri Musharax Saciid C/llaahi Maxamed Deni oo intaasi ku daray inuu horumarin doono Xiriirka Diplomaasiyadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Musharax Saciid C/llaahi Deni oo ah Ganacsade Reer Puntland oo deggan dalka Imaaraadka Carabta waxa uu magac iyo maamuus ku dhex leeyahay Masraxa Siyaasadda Somalia, wuxuuna taageero ballaaran ka haystaa guud ahaan Ganacsatadda, Aqoonyahannadda, Siyaasiyiinta, Ururadda Bulshadda  iyo Maamulka Dowlad-gobaleedka Puntland, gaar ahaan Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey qorshiha Socdaalkiisa Doorashadda Madaxtinimadda, waxa uu tilmaamay inuu dhawaan safar qeyb ka ah Ololihiisa Doorashadda  ku soo kala bixi doono magaallooyinka Muqdisho, Garowe, Cadaado, Jowhar, Kismaayo, Beled-weyne iyo kuwo kale, si uu dadweynaha ugu bandhigo Bareerihiisa Musharaxnimadiisa iyo Qorshaha uu dalka ku hagi doono haddii loo doorto Madaxweynaha Somalia.

Saciid Cabdullaahi Deni

musharax said (2)

musharax said (3)

musharax said (5)

musharax said (1)

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts