HomeWararFaallo: 56-guuraddii ka soo wareegtay Asaaska Ciiddanka XDS oo ku soo beegantay...

Faallo: 56-guuraddii ka soo wareegtay Asaaska Ciiddanka XDS oo ku soo beegantay xilli ay Ciiddanka ku jiraan xaallado adag.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

12-kii bishii April ee sannadkii 1960-kii ayaa dhidibadda loo aasay Ciiddanka XDS, oo ka mid noqday Ciiddanka ugu tababarka iyo geesinimadda badan Dalalka Qaaradda Afrika. Aasaaska ciiddanka XDS waxaa laga soo maray Maraaxiil Adag, waxaana Udubka u taagay Saraakiil Khibrad leh oo Waddaniyiin ah, kuwaasi oo Baal Dhaab ah kaga qoray Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed. Marxuum […]

- Advertisement -

12-kii bishii April ee sannadkii 1960-kii ayaa dhidibadda loo aasay Ciiddanka XDS, oo ka mid noqday Ciiddanka ugu tababarka iyo geesinimadda badan Dalalka Qaaradda Afrika.

Aasaaska ciiddanka XDS waxaa laga soo maray Maraaxiil Adag, waxaana Udubka u taagay Saraakiil Khibrad leh oo Waddaniyiin ah, kuwaasi oo Baal Dhaab ah kaga qoray Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Marxuum Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi oo ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciiddanka XDS ayaa ka mid ah Halyeeyadda ay xubnaha Ciiddanka XDS ku xasuustaan sida hagar la’aanta ee uu naftiisa ugu huray Dhismaha Ciiddanka, Tababarkooda, Dhiirigelintooda iyo Daryeelka ay ku leeyihiin Qaranka.

Xulashadda xubinnimadda Askarta loo qorayey XDS ayaa ahayd mid lagu soo xuli jirey si waafaqsan Nidaamka Ciiddanka, waxaana Ciiddanka cusub lagu tababari jirey Xerooyin Khaas ah.

Dufcaddii ugu horreysay ee la tababaray ayaana magacyo kala gaar ah loogu yeeri jirey, waxaana ugu magac dheeraa Ciiddankii la oran jirey Cali boodaaye.

- Advertisement -

Ciiddanka XDS waxaa lagu xusuustaa guulihii ay ka soo gaareen Dagaalladii ay Ciiddanka Ethiopia kula galeen  Deegaanka Wajaale sannadihii 1964-kii iyo Dagaalkii 1977-kii ilaa 1978-kii ee lagu xoreynayey Deegaanadda Somali Galbeed.

Khubaradda Milliteriga ee Isbahaysiyaddii NATO iyo WARSO ayaana amakaag ka qaaday Xirfadda iyo Geesinimadda Ciiddanka XDS, kuwaasi oo dagaalkii 77-kii gaaray ilaa gudaha dalka Ethiopia, ka hor intaysan dib u soo waabanin Ciiddamo Calooshood-u-shaqaystaal u kala dhashay Dalweynihii Midowgii Soofiyeeti ee haatan loo yaqaan Raashiya iyo kuwo ka socday Jesiiradda Kuuba.

Dagaalkii Somali-galbeed ayaa noqday dagaalkii ay sida xooggan ugu niyad jabeen Saraakiishii XDS, kuwaasi oo rumeysan in Dagaalkaasi lagu galay Istaraatijiyad-xumo.

Si kastaba ha ahaatee, Burburkii Dowladnimo ee Somalia ee bilowgii sannadkii 1991-kii waxaa la burburay qeybihii kala duwanaa ee Ciiddanka XDS, gaar ahaan Ciiddankii Dhulka, kuwii Cirka, kuwii Badda iyo Guutooyinkii Sooma-jeestayaasha ee Komaandooska oo ay Caddowga Somalia ka baqan jireen, marka ay sawaxankooda maqlaan.

Haatan, Ciiddanka XDS waxa uu taagan yahay meel eber, mana haystaan Daryeelkii, Qalabaynta iyo Xuquuqdii Garaamaadka ee u gaarka ah Ciiddanka XDS.

Waxaana la sheegaa inay Dowladihii dalka ka dhismay wixii ka dambeeyey sannadkii 1991-kii aysan wax mudnaan ah siinin Dib-u-dhiska Ciiddanka XDS oo ay ka baqanayey inay Ciiddanka Afgembi Milliteri kula wareegaan Talada dalka, sidii dhacday 21-kiI October ee sannadkii 1969-kii oo uu Kacaankii Milliteriga la wareegeen Taladii dalkeenna.

Waxaa Qoray: Hassan Ali Osman “Istiila”

©Radio Dalsan

 

Latest stories