HomeWarar(SAWIRO): Boqorka Labada Bahood iyo Marooyinka oo lagu caleemo saaray Muqdisho.

(SAWIRO): Boqorka Labada Bahood iyo Marooyinka oo lagu caleemo saaray Muqdisho.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Hotelka City Palace Hotel ee magaalladda Muqdisho waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xaflad ballaaran oo lagu caleemo saarayey Boqorka Labada Bahood iyo Marooyinka, Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor. Boqolaal ruux oo ka kala socday Siyaasiyiin, Xildhibaano, Duubabka Dhaqanka, Aqoonyahannadda iyo Ururradda Bulshadda ayaana ka soo qeyb galay Munaasabadaasi, iyadoo caleemo-saarka Boqorka laga soo dhaweeyey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hotelka City Palace Hotel ee magaalladda Muqdisho waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xaflad ballaaran oo lagu caleemo saarayey Boqorka Labada Bahood iyo Marooyinka, Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor.

Boqolaal ruux oo ka kala socday Siyaasiyiin, Xildhibaano, Duubabka Dhaqanka, Aqoonyahannadda iyo Ururradda Bulshadda ayaana ka soo qeyb galay Munaasabadaasi, iyadoo caleemo-saarka Boqorka laga soo dhaweeyey dalka gudihiisa iyo dibediisa.

- Advertisement -

Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor oo ahaa Siyaasi ayaa ka soo jeeda Qoys Dhaqameed fac weyn, oo 11- fac ilaa haatan isaga kala dambeeyey xilka Boqorka Labada Bahood iyo Marooyinka soo jiray.

Munaasabadda waxaa kaloo lagu soo bandhigay Sawiro Qaddiimi oo caddaynaya Saldanad-dhaqameedka Boqorka Labada Bahood iyo Marooyinka iyo Taariikhda Hoggaan dhaqameedka ee Boqorkan, laga soo bilaabo Awoowgiisa iyo Aabihiisa oo iyagu kaalin wanaagsan ka soo qaatay Halgankii Gobanimadoonka, Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Hawlaha Nabadeynta iyo Dib-u-heshiisiinta.

Boqorka cusub ee shalay la duubay, C/lalahi Geeddi Shadoor ayaa lagu dhaariyey goobta, waxaana loogu hambalyeeyey xilkaasi, iyadoo xubnihii ka hadlay Munaasabadaasi kula  dardaarmeen  inuu si hufan ugu shaqeeyo dadka caleemo-saartay, isla markaana ka shaqeeya Midnimadda iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Boqor C/lalahi Geeddi Shadoor oo hadal kooban markii la dhaariyey kadib, waxa uu ballanqaaday inuu si Daacadnimo, Xilkasnimo iyo Naf-hurnimo ugu shaqeyn doono dadka soo doortay iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Ilaahay ka baryey inuu u fudueeyo Xilka Dhaqan ee loo doortay.

Waxa kale oo uu Hambalyo u diray Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Boqor Burhaan, Malaaqyada Digil iyo Mirifle iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

DUUBKA01 image (4) image (11) image (12) image (14) image (15) image (16)

DUUBKA5 DUUBKA6 DUUBKA4 DUUBKA3 DUUBKA2 DUUBKA13 DUUBKA12 DUUBKA11 DUUBKA10 DUUBKA1 DUUBKA06 DUUBKA01 DUUBKA00©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts