HomeWararTahriibayaal Somali ka ambabaxday Giriigga oo dooni ku gaaray Xeebaha Talyaaniga.

Tahriibayaal Somali ka ambabaxday Giriigga oo dooni ku gaaray Xeebaha Talyaaniga.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Iyadoo ay Dowladda Giriigga soo rogtay inay Tahriibayaasha soo gaara xeebaheeda dib ugu celin doonto dalka Turkiga, ayaa waxay Tahriibayaasha bilaabeen inay ka sii shiraacdaan Xeebaha Giriigga. Dooni ay la socdeen 22 Tahriibayaal u kala dhashay Somalia iyo Syria waxay maalintii Khamiistii la soo dhaafay si nabad ah ku gaareen Xeebta magaalladda Otranto ee K/bari […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Dowladda Giriigga soo rogtay inay Tahriibayaasha soo gaara xeebaheeda dib ugu celin doonto dalka Turkiga, ayaa waxay Tahriibayaasha bilaabeen inay ka sii shiraacdaan Xeebaha Giriigga.

Dooni ay la socdeen 22 Tahriibayaal u kala dhashay Somalia iyo Syria waxay maalintii Khamiistii la soo dhaafay si nabad ah ku gaareen Xeebta magaalladda Otranto ee K/bari Talyaaniga.

- Advertisement -

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR walaac xooggan ka muujisay go’aanka ay Dowladda Giriigga ku gaartay inay dib u celiyaan qaxootiga doonyaha ku soo gaara Xeebaheeda.

Afhayeenka UNHCR, Melissa Fleming ayaa  ugu baaqay Midowga Europe iyo Turkiga in la badbaadiyo Qaxootiga, iyo inaan kuwa soo gaara Giriigga dib loogu celinin Turkiga.

Dalka Giriigga waxaa haatan ku sugan ku-dhawaad 51,000 oo Tahriibayaal iyo Qaxooti,  kuwaasi oo ku kala sugan Jesiiradaha Qubrus iyo goballadda kale.

- Advertisement -

Jesiiradda Lesvos ayaa la sheegay in Boliska Giriigga bilaabeen inay dadka qabtaan, si ay ugu celiyaan Turkiga, wuxuuna Go’aankan dhaqan galay bishii la soo dhaafay ee Maarso 24-da.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts