HomeWararSomali ku sii jeeday Koonfur Afrika oo lagu xiray Garoonka Wilson Airport...

Somali ku sii jeeday Koonfur Afrika oo lagu xiray Garoonka Wilson Airport ee Nairobi.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ilaa Afar dhallinyarro Somali ah ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Wilsan Airport ee magaalladda Nairobi, kadib, markii laga shakiyey. Dhallinyaradaasi oo shalay ka ambabaxay magaalladda Muqdisho,  ayaa la sheegay inay doonayeen inay dalka Kenya kaga sii sii gudbaan dalka Koonfurta Afrika oo ay Soomaali badan ka xoogsadaan. Warar Loo-qaateen ah ayaa sheegay in Dhallinyaradaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilaa Afar dhallinyarro Somali ah ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Wilsan Airport ee magaalladda Nairobi, kadib, markii laga shakiyey.

Dhallinyaradaasi oo shalay ka ambabaxay magaalladda Muqdisho,  ayaa la sheegay inay doonayeen inay dalka Kenya kaga sii sii gudbaan dalka Koonfurta Afrika oo ay Soomaali badan ka xoogsadaan.

- Advertisement -

Warar Loo-qaateen ah ayaa sheegay in Dhallinyaradaasi la qabtay, kadib, markii Mukhalasiinta waday Dhallinyaradda iyo Saraakiisha Boliska isku maandhaafeen kharaj Khidmo ah oo “Hawl-fududeyn ah” oo la siin jirey hadba Askarta lala macaamiltamo, waxayna taasi oo keentay in Dhallinyaradda lagu xayiro gudaha Garoonka Wilson Airport.

Ilo-wareed ku dhowdhow Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inaan Dhallinyaradaasi  wax dembi ah lagu helin, isla markaana ay  maalmaha soo socdo dib loogu soo celin doono magaalladda Muqdisho oo ay markii hore ka soo dhoofeen.

Ma aha markii ugu horreysay oo Dhallinyarro Transit ku sii ah Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi lagu xayiro Garoonka, iyadoo aysan jirin sababo cad oo loogu diiday inay ka sii dhoofaan Nairobi.

- Advertisement -

Labo isbuuc ka hor, Tobaneeyo Dhallinyarro Soomaali oo ku sii jeeday caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi, iyadoo ay Dhallinyaradaasi u dhamaystirnaayeen dhamaan Dukumentiyadda muhiimka u ah Dhoofka, sida Fiisaha Dal-ku-galka iyo Tikidhada.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts