HomeWararQoyska Nin Soomali oo lagu dilay Britain oo saluugay Go’aanka Maxkamadda ka...

Qoyska Nin Soomali oo lagu dilay Britain oo saluugay Go’aanka Maxkamadda ka gaartay dilkiisa.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Qoyskaasi ayaa ku qanci waayey xukun uu Garsoore ka tirtsan Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London shalay ku dhawaaqay Go’aanka Dacwadda ka dhalatay dilka Marxuum Cabdi oo 24-jir ahaa. Marxuumka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawacyada Tooreey ay ku dhufteen koox Gaangestaro ah. Mid ka mid ah Eedeysanayaasha ku eedeysnaa dilkaasi oo lagu magacaabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qoyskaasi ayaa ku qanci waayey xukun uu Garsoore ka tirtsan Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London shalay ku dhawaaqay Go’aanka Dacwadda ka dhalatay dilka Marxuum Cabdi oo 24-jir ahaa.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawacyada Tooreey ay ku dhufteen koox Gaangestaro ah.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha ku eedeysnaa dilkaasi oo lagu magacaabo Cismaan Muuse Maxamed oo 20-jir ah ayaa waxaa shalay lagu xukumay ugu yaraan 22-sanno oo Xabsi ah.

Maxkamadda waxay kaloo sii daysay Eedeysanayaal lagu kala magacaabo Khaalid Xaashi oo loo yaqaano Van Damme” o o 23-jir ah iyo Xamsa Doodi oo 24-jir ah, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii lagu eedeynayey inay ku lug lahaayeen dilkaasi oo dhacay bishii Augsut ee sannadkii hore.

Fowsiya Harbii oo ah Markhaatiga keliya ee goobjoogga ka ahaa markii la dilayey Marxuum Axmed Cabdi ayaa tilmaamtay inuu aragtay Eedeysane Cismaan Muuse Maxamed oo ka mid ahaa Dilayaasha isagoo gacanta ku haysta Tooreey.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ayaan Cabdi oo la dhalatay Marxuumka la dilay ayaa sheegtay inay Familkeeda wadno-xanuun ka qaadeen dilkaasi, waxayna intaasi ku dartay inuu Walaalkeeda hortooda ku geeriyooday.

Gabar la sheegay inuu xiriir kala dhexeeyey Marxuumka ayaa Xukunka kadib sheegtay inay naxdin darteeda istaagga ka dhacday markii loo sheegay in la dilay Axmed Cabdi.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts