HomeWararCiiddanka Kenya oo loo diiday Saldhig ay kaga hortagaan Weeraradda Alshabaab.

Ciiddanka Kenya oo loo diiday Saldhig ay kaga hortagaan Weeraradda Alshabaab.

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Gobalka Laamu, Ciisa Timaami ayaa ku gacan sayray qorshe ay Ciiddanka Kenya ku doonayeen inay kaga dhistaan Saldhig lagu sugayo Ammaanka Gobalka Lamu iyo inay kaga hor-tagaan Weeraradda Alshabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan Dhulka Kaymaha ee Boni. Waxa uu sheegay inuusan oggolaan karin in dadka Deegaanka laga bara kiciyo goobta la qorsheeyey in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobalka Laamu, Ciisa Timaami ayaa ku gacan sayray qorshe ay Ciiddanka Kenya ku doonayeen inay kaga dhistaan Saldhig lagu sugayo Ammaanka Gobalka Lamu iyo inay kaga hor-tagaan Weeraradda Alshabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan Dhulka Kaymaha ee Boni.

Waxa uu sheegay inuusan oggolaan karin in dadka Deegaanka laga bara kiciyo goobta la qorsheeyey in laga dhiso Saldhigga Milliteriga, iyadoo Saraakiisha Ciiddanka Kenya ka codsadeen  dhul cabirkiisu dhan yahay 10 KM oo isku wareeg ah.

- Advertisement -

“Dhismaha Saldhigaasi waxay la micno tahay in Dadka Deegaanka laga barakaciyo  guryaha ay isirka u leeyihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Laamu.

Go’aankiisa waxaa ka carooday Hoggaamiyayaasha Gobalka Laamu, oo uu ku jiro Senator Abu Jiyaaba oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka Kenya, lagana soo doortay Galbeedka Gobalka Laamu.

Senator Abu Jiyaaba oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn go’aanka uu Guddoomiyaha Gobalka Laamu ku diiday Codsiga ka yimid Dowladda Dhexe ee Kenya oo uu tilmaamay inay hooyo u tahay dhamaan 47-ka Gobal.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Ammaan ku filan loo helo gobalka Laamu, oo uu tilmaamay inuu yahay Gobal u nugul weeraradda Alshabaab, iyadoo weeraro hore lagu dilay dad badan, laguna dhaawacay tiro kale.

Bishii Janaayo ee sannadkan, Alshabaab waxay 6 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya ku dileen Laamu, kadib, markii qarax loo aasay gaariga ay la socdeen Saraakiishaasi, iyadoo ay kuwo kalena ku dhaawacmeen.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts