HomeWararRa'isul-wasaaraha oo cambaareeyey qaraxii Xalay ka dhacay Taaladda SYL.

Ra’isul-wasaaraha oo cambaareeyey qaraxii Xalay ka dhacay Taaladda SYL.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Muqdisho, February 27, 2016……Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixiso ee xalay ka dhacay Taalada SYL. Wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna ALLAH uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, February 27, 2016……Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixiso ee xalay ka dhacay Taalada SYL. Wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna ALLAH uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabad-diidku ku doonayeen in xasuuq ay ugu geystaan dadka rayidka ah kuwooda ugu nugul ee u soo dalxiis taga Beerta Nabadda (Peace garden), halkaas oo ay ku nastaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed waqtiyada ay jaaniska leeyihiin.

- Advertisement -

Falkaasi argagixiso oo loo adeegsaday baabuur kuwa xamuulka ah oo isku dayay inuu ka gudbo bar koontarool ciidamada ku sugnaayeen.

“Falalka noocaan ah waa kuwo lagu argagax galinayo shacabka, laguna hor istaagayo daganaanshaha iyo horumarka dalka. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa iney meel uga soo wada jeestaan bahalnimada aragagaxisada. Daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan, ma ahan ficil raad ku leh anshaxa diinta islaamka, waana fal cadownimo, oo lala beegsanayo shacabkeena, waana dhaqan aan la aqbali karin.”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dhiiranaanta ay muujiyeen ciidanka ammaanka ee ka hortagay in qaraxaasi gaaro bartii cadowgu la damacsanaa.

- Advertisement -

Wuxuna ugu baaqay Hay’adaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, baaritaana ku sameeyaan dhacdadaas.

—–DHAMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts