HomeWarar(SAWIRO): Golaha Wasiirada oo Kulan gaar ah kaga hadlay dib-u-eegista Dastuurka KMG...

(SAWIRO): Golaha Wasiirada oo Kulan gaar ah kaga hadlay dib-u-eegista Dastuurka KMG ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa galabta yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay kamid yihiin, geedi socodka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maraya heer-gabo-gabo ah. Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa galabta yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay kamid yihiin, geedi socodka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maraya heer-gabo-gabo ah.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dawladda Federaalka sanadan 2016, waxa uuna soo bandhigay qaar kamid ah qodobadii isbadalka lagu sameeyey.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan Wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, waxana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka oo hadda maraya heer gaba-gabo ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa Guddiyada ka soo shaqeeyey howshan baaxadda weyn ee dib-u-eegista Dastuurka KMG ah. Waxaan rajeynayaa in dhawaan ay dhamaystirmi doonto dib-u-eegistu loona gudbiyo Baarlamaanka” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha.

- Advertisement -

GW4 GW3 GW2 GW1—-DHAMMAAD—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts