HomeWarar(Warbixin): Maxaa ku soo kordhay dabkii ka kacay Diyaaradda Daallo ee Flight...

(Warbixin): Maxaa ku soo kordhay dabkii ka kacay Diyaaradda Daallo ee Flight No. D3159 ?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines oo barqanimaddii maanta ka hinqatay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho  ayaa waxay si degdeg ah ugu soo laabatay Garoonka, kadib, markii uu dab ka kacay mid ka mid ah Matooradeeda. Diyaaradaasi oo uu Duulimaadkeedu ahaa Flight No. D3159 kuna sii jeeday magaalladda Jabuuti waxaa la socday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines oo barqanimaddii maanta ka hinqatay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho  ayaa waxay si degdeg ah ugu soo laabatay Garoonka, kadib, markii uu dab ka kacay mid ka mid ah Matooradeeda.

Diyaaradaasi oo uu Duulimaadkeedu ahaa Flight No. D3159 kuna sii jeeday magaalladda Jabuuti waxaa la socday Rakaab tiradoodu dhamayd 74-qof, kuwaasi oo isugu jiray kuwa Transit ahaan  u sii marayey dalka Jabuuti iyo kuwo safarkooda ku ekaa Jabuuti.

- Advertisement -

Markii ay Diyaaradda muddo 10-daqiiqo ah hawada ku jirtay, xilli ay Diyaaradda dul maraysay Hawada Degmadda Balcad ee Gobalka Sh/dhexe ayaa waxa uu Duuliyaha iyo Gacan-yarayaashiisa arkeen dab ka baxayo mid ka mid ah Matoorka Diyaaradda, waxayna go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan Garoonka Muqdisho, wuxuuna Duuliyaha Farriin Qeylo-dhaan ah u diray Hawlwadeennadda Garoonka, si loogu diyaar-garoobo soo-degista Diyaaradda.

Dad arkayey Diyaaradda ayaa sheegay inuu Olol ka baxayey Diyaaradda, una ekeyd mid dhulka ku sii hoobanayso.

Markii ay Diyaaradda soo caga-dhiganaysay Garoonka waxaa laga dareemayey Qiiq badan oo hareeyey Matoorka, wuxuuna dabku waxyeelo ba’an iyo duleel u yeelay dhinaca midig ee Diyaaradda ee ka dambeysa Albaabka Labaad ee Diyaaradda.

- Advertisement -

Dab-damiska iyo Kooxihii Gurmadka ayaa gaaray halka ay Diyaaradda caga-dhigatay, waxaana si halhaleel loo soo dejiyey Rakaabka oo ay ku jireen 2 qof oo uu soo gaaray dhaawac gubasho fudud.

Diyaaaradda waxa la dhigay Garoonkii hore ee Diyaaradaha Milliteriga ee Afisiyoone oo aan ka fogeyn Garoonka Aadan Cadde, waxaana la filayaa inay Farsamo-yaqaano ka socda Shirkadda Daallo Airlines berri soo gaaraan Muqdisho, si ay u qiimeeyaan Khasaaraha uu dhaliyey Dabka ka kacay Matoorka Diyaaradda.

©Radio Dalsan                

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts