HomeWararFaahfaahin: Rakaab dhaawac gubasho ah ka soo gaaray dabkii ka kacay Diyaaradda...

Faahfaahin: Rakaab dhaawac gubasho ah ka soo gaaray dabkii ka kacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyey inuu dhaawac gubasho ka soo gaaray, kadib, markii  uu dab  ka kacay mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Daallo Airlines oo xilligaasi ku sii jeeday Jamhuuriyadda Jabuuti.

Diyaaradaasi oo barqanimaddii maanta ka hinqatay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa la sheegay inay si degdeg ah dib ugu soo laabatay Garoonka, kadib, markii uu Duuliyuhu arkay dab ka kacay mid ka mid ah Matooradda Diyaaradda.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay inay Diyaaradda dib ugu soo laabatay Garoonka 10 daqiiqo kadib markii ay ka duushay, iyadoo uu qiiq ka baxayo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Xukuumadda Federalka, Cali Axmed Jaamac “Jangeli” oo la hadlay  Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay inay Diyaaradda Daallo Airlines cillad farsamo ku qabsatay Hawada Sare, isla markaana ay si nabad ah ku soo degtay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in la baari doono waxa sababay ciladaasi.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Jeneral C/raxmaan Tuuryare ayaa la sheegay inuu tegay Garoonka Aden Cadde, si uu ugu kuurgalo khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay Diyaaradaasi

Dhinaca kale, Maamulka Shirkadda Daallo Airlines weli kama hadlin Shilkaasi, iyadoo Diyaaraddii haatan taallo meel ka baxsan Dhabaha ay Diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan ee Garoonka Caalamiga Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories