HomeWarar(LA-YAABKA & SAWIRO): Nin u tartamayo Shaqsiga ugu afka weyn Caalamka.

(LA-YAABKA & SAWIRO): Nin u tartamayo Shaqsiga ugu afka weyn Caalamka.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Inkastoo uu Nin u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Dinesh Shivnath Upadhayaya uu haysto Rekoodhka Diiwaanka Af weynida Caalamka, ayaa waxaa haddana Jagadaasi u ololeynaya Nin dhallinyarro ah oo u dhashay dalka Nepal oo lagu magacaabo Raja Thapa. Wiilkaasi oo 19 jir ayaa waxa uu haatan awoodi karaa inuu afkiisa geliyo 138 qalimaadka Laabis-qoriga […]

- Advertisement -

Inkastoo uu Nin u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Dinesh Shivnath Upadhayaya uu haysto Rekoodhka Diiwaanka Af weynida Caalamka, ayaa waxaa haddana Jagadaasi u ololeynaya Nin dhallinyarro ah oo u dhashay dalka Nepal oo lagu magacaabo Raja Thapa.

Wiilkaasi oo 19 jir ayaa waxa uu haatan awoodi karaa inuu afkiisa geliyo 138 qalimaadka Laabis-qoriga (Pencils), halka uu Ninka haatan haysta Horyaalka Afweynida Caalamka ee Dinesh Shivnath Upadhayaya uu afkiisa gelin karo 92 qalin-qoriga ama Laabis-qoriga.
Raja Thapa waxa uu faruurihiisa u kala jiidi karaa sida Balaastikadda oo kale, isagoo ku dhaweynaya Madaxiisa.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu awoodaa inuu  ilkihiisa ku qabto 32 Shumacyo shidan.

Raja Tapa oo shaqadiisu tahay Ilaaliye Ammaanka (Security Guard) waxa uu qorsheynayaa inuu si joogto ah Bandhig ugu sameeyo Waddooyinka iyo inuu isku tijaabinayo sidii uu u jebin lahaa Rekoodhka Adduunka ee Af-weynida.

“Waxaan doonayaa in la iigu yeero Geesiga Waddada ee Nepal (The Street Hero of Nepal)” ayuu yiri.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Ninkaasi lagu naanayso “Af-weyne ama Af-ballaar” bal malee imisa Kiilo oo baasto ah ayuu hal mar raamsan karaa, waxaana fiicnaan lahayd inuu iska noqdo kuwa ku tartama Cunista Raashinka (Cunaayaasha ama Maanjatoorayaasha) ama uu noqdo Saaxibul-wiido ee ah kuwa ay Soomaalida ugu yeeraan Sab-gaadka iyo Kaluundiga!!!

AFWEYNE00 AFWEYNE2 AFWEYNE 1

AFWEYNE3

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan   

Latest stories