HomeWararXog: AMISOM Iyo Kenya oo qarka u saaran inay kala Isbahaysi noqdaan.

Xog: AMISOM Iyo Kenya oo qarka u saaran inay kala Isbahaysi noqdaan.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo Xiriirka Dibedda, Ndungu Githinji ayaa sheegay in haatan la joogo xilligii ay Dowladda Kenya dib-u-eegis ku samayn lahayd inay ka baxaan Hawlgalka AMISOM, isla markaan ay Ciiddankooda si madax bannaan uga hawlgalaan Somalia. Ndungu Githinji waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Idaacadda BBC World, wuxuuna […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo Xiriirka Dibedda, Ndungu Githinji ayaa sheegay in haatan la joogo xilligii ay Dowladda Kenya dib-u-eegis ku samayn lahayd inay ka baxaan Hawlgalka AMISOM, isla markaan ay Ciiddankooda si madax bannaan uga hawlgalaan Somalia.

Ndungu Githinji waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Idaacadda BBC World, wuxuuna xusay inay diiradda saari doonaan Doorka AMISOM ee Hawlgalka Guud ee AMISOM.

- Advertisement -

Hadalkiisa ayaa so obaxay, iyadoo ay Taliska Sare ee Milliteriga Kenya sheegeen inaysan Ciiddanka AMISOM wax gurmad ah ka helin Mashaqadii Ceel-cadde ee ay Alshabaab bishaan 15-dii ku dileen,ku dhaawaceen, kuna qabsadeen Askar badan oo Kenyan ah.

Taliyaha Guud ee Milliteriga Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa sheegay inaysan AMISOM lahayn awood ay ugu soo gurmadaan Ciiddankii Kenya ee bishan 15-dii lagu weeraray Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay inay weli socdaan Hawlgal lagu baadigoobayo Askarta weli maqan, isagoo sheegay in Kala bar Askarta noqdeen kuwo la dilay, kuwo la dhaawacay iyo kuwo weli lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

- Advertisement -

Taliyahaasi waxa uu tilmaamay tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii inay Alshabaab kala wareegeen 120-Degmo oo ku yaalla K/galbeed ee  Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Kenya waxay AMISOM ku soo biireen bishii Feberaayo ee saannadkii 2012-kii, mana kala cadda in Khilaafka Kenya iyo AMISOM la xalin doono iyo inay Ciiddanka Kenya iskooda uga sii hawlgeli doonaan gudaha Somalia, iyagoo ka madax bannaan Taliska AMISOMoo ay haatan ka hoos shaqeeyaan Ciiddamo ka kala socda dalalka Jabuuti, Ethiopia, Uganda iyo Burundi.

Taliska AMISOM waxaa la asaasay sannadkii 2007-dii si ay Dowladda Somalia uga waabiyaan Gulufka Alshabaab ku doonayeen inay kula wareegaan Talada Somalia.

Ndungu Githinji

AMISOM-KENYA KDF22

©Radio Dalsan                      

 

Latest stories