HomeWararWARBIXIN: Beesha Marayxaan oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin weerarkii Alshabaab ku...

WARBIXIN: Beesha Marayxaan oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin weerarkii Alshabaab ku laayeen Askarta Kenyanka.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxay Guddiga Baaritaanka ee loo xil-saaray Weerarkii Ceel-cadde soo saareen Warbixin Hordhac ah oo ay ku sheegeen in laga yaabo in Maleeshiyadda Beesha Marayxaan ee deggan Gobalka Gedo door ka ciyaareen Qorshihii iyo Weerarkii ay Alshabaab bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen, laguna dilay Ciiddanka Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay dad  ka tirsan Qabiilka Marayxaanka ku nool yihiin Degaanka Ceel-cadde oo uu ku yaallo Xeradda lagu weeraray Ciiddanka Kenyanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Eedeyntaasi la ogaaday, kadib, markii 3 Askari oo ka badbaaday Weerarkaasi la soo far-muuqay, kadibna ay Alshabaab ku dileen guri ay magan ahaan u galeen oo uu lahaa nin Oday oo degganaa Ceel-cadde, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Waxa kaloo Warbixinta lagu muujiyey in Askarta la dilay ay soo magan galeen guriga, kadib, markii ay  soo ordeen masaafo dhan ku-dhawaad 5 KM, iyagoo iska bixiyey Labiska u gaarka ah Milliteriga.

“Qabiilka Marayxaanka waxay dareensan yihiin inay Ciiddanka Kenyanka taageeraan Qabiilka Ogaadeenka iyo kuwa kale ee ay u arkaan inay caddow ku yihiin Marayxaanka, waana taasi waxa aan u malaynayo inay sababtay in qaar ka mid ah Beeshaassi noqdaan kuwo aan taageersanayn Ciiddanka Kenya” ayuu yiri Ilo-wareed codsaday inaan magaciisa la shaacinin oo la hadlay Wargeyska The Standard.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta Hordhaca ee Ciiddanka Kenya ku sheegeen inay Maleeshiyadda Beesha Marayxaanka ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay Askarta Kenyanka ee ay Alshabaab bishan 15-dii ku weerareen Xeradda Ceel-cadde ayaa ah Warbixin Hal Dhinac ah, mana jiraan Warar Madax-bannaan oo xaqiijinayo Eedeyntaasi.

Dhinaca kale, Madaxda Gobalka Gedo, Odayaasha Dhaqanka iyo Goobjoogayaal Madax-bannaan ayaa waxay sheegayaan in Duqeymaha Diyaaradaha Kenya yihiin kuwo aan loo meel dayin, isla markaana la duqeynayo goobaha ay dadka rayidka u qaxeen ee duleedka Deegaanka Ceel-cadde.

Labaatameeeyo qof oo rayid ah ayaa la sheegay in lagu dilay duqeymahaasi, iyadoo boqolaal xoolo u badan arina lagu laayey duqeymaha weli ka socda nawaaxiga Ceel-cadde.

MAYD 1

CEELCADDE00


DUQEYN2 DUQEYN4 DUQYN1 CEELCADDE5 CEELCADDE4

©Radio Dalsan                             

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories