HomeWararMadaxweynaha oo Muqdisho ka furay shir gaar ah oo qeyb ka ah...

Madaxweynaha oo Muqdisho ka furay shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Muqdisho, 25 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ka furey shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ku habboon sannadkan 2016-ka.

Shirkan oo ay albaabadu u xirnaayeen, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Federaalka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Michael Keating iyo xubno kale.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.

WTQ 1 WTQ 2 WTQ 5 WTQ 4 WTQ 3 WTQ000 WTQ 5

DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories