HomeWararMadaxweynaha oo ka qeyb galay kulan madaxeed gaar ah oo ka dhacay...

Madaxweynaha oo ka qeyb galay kulan madaxeed gaar ah oo ka dhacay Urdun

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Aqaba ee Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun kaga qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo arrimaha amniga iyo argagixisada looga hadlayey. Shirkan oo uu martigeliyay Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa waxaa madaxda ka soo qeyb gashey ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Aqaba ee Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun kaga qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo arrimaha amniga iyo argagixisada looga hadlayey.

Shirkan oo uu martigeliyay Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa waxaa madaxda ka soo qeyb gashey ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, wafdi sare oo ka socda dalalka Kenya, Tanzania, Masar, Mareykanka, Canada, Yurub, Qaramada Midoobay, IGAD iyo ururro kale oo caalami ah.

- Advertisement -

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey isku-dubbaridka, wadatashiga iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya caalamka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxaa shirkan intii uu socday si gaar ah looga hadley arrimaha Soomaaliya, sida looga taageeri karo la dagaalanka argagixisada, taas oo sal u noqon karta nabadgelyo iyo xasilooni waarta oo ka dhalata Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

- Advertisement -

Waxaa sidoo kale oo uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Boqor Cabdalla , kulankaas oo ay ku gorfeeyeen dadaallada caalamiga ee socda ee looga hortagayo khatarta argagixisada gudaha iyo kuwa caalamka isaga goosha, iyo guud ahaan arrimaha caalamka.

Boqor Cabdalla ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisa uu taageero buuxda ee dhinaca amniga ah la garab taagan yahay Soomaaliya.

Shir madaxeedkan gaarka ah ee ka dhacay Aqaba ayaa ah kii labaad, waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij uu horkacayo Boqor Cabdalla oo ujeedkiisu yahay in xiriir joogto ah iyo iska warqab dhow uu dhexmaro waddamada caalamka si looga wadatashado arrimaha la dagaalanka argagixisada, xagjirnimada iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatey qaar ka mid ah madaxdii iyo mas’uuliyiintii kale ee shirkan ka soo qeybgaley.

————————DHAMMAAD————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts