HomeWararCiiddamo badan oo Kenya oo u soo galay Somalia, si ay u...

Ciiddamo badan oo Kenya oo u soo galay Somalia, si ay u baadi-goobaan Askartii lagu waayey Dagaalkii Ceel-cadde

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

  Hadal ka soo baxay Taliyaha Ciiddanka Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa lagu sheegay in ay Ciiddamo badan oo Kenyan ah ka soo gudbeen Xadka Somalia, su ay u sii wadaan Hawlgalka Baadigoobka iyo Badbaadinta Ciiddanka lagu la’ yahay Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Saldhigga Ceel-cadde ee Gobalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Hadal ka soo baxay Taliyaha Ciiddanka Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa lagu sheegay in ay Ciiddamo badan oo Kenyan ah ka soo gudbeen Xadka Somalia, su ay u sii wadaan Hawlgalka Baadigoobka iyo Badbaadinta Ciiddanka lagu la’ yahay Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Saldhigga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

- Advertisement -

Ciiddankaasi oo ka kala socda Qeybaha kala duwan ee Ciiddamadda waxay Hawlgalo weerar ku qaadayaan Saldhigyadda Alshabaab ku leeyihiin Ceel-cadde iyo Degmooyin kale oo ka tirsan Gobalka Gedo.

Ciiddanka Kenya waxay kaloo soo ururin doonaan dhamaan Qalabkii Milliteri ee ay Alshabaab ku burburiyeen weerarkii Ceel-cadde.

Taliyaha Ciiddanka Kenya waxa uu tilmaamay in Ciiddanka ugu dambeeyey ee loo soo diray Somalia yihiin Ciiddanka Dhulka “Infantry Forces”, kuwaasi oo taageero ka helayo Diyaaradaha Dagaalka iyo Helikoptarada qoryaha ku rakiban yihiin si ay u beegsadaan fariisimadda Alshabaab ku leeyihiin Goballadda Gedo iyo Baay.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo dhinaca Milliteriga ayaasheegay in Hawlgalka Ciiddanka Kenya ee ka socda Gobalka Gedo lagu xaqiijiyey in Alshabaab khasaaro xooggan la gaarsiiyey, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya ee nooca F 5 iyo Helikoptarada Hubeysan ee nooca Z-9 Gunship Attack Helikopters ay duqeeyeen 5 Degmo oo u dhow Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Warka Qoraalka ee ka soo baxay Milliteriga Kenya waxaa kaloo lagu sheegay inay duqeyn ku dileen Taliyihii Alshabaab ee hoggaaminayey Weerarkii lagu qaaday Ceel-cadde, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo arrintaasi.

Hawlgalkan Milliteri ee Kenya ayaa yimid, markii ay Alshabaab guluf xooggan ku qaadeen, isla markaana ay cagta mariyeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Saldhigga Ceel-cadde, waxayna Alshabaab sheegeen inay 100 Askari oo Kenyan ah ku dileen Weerarkii Ceel-cadde.

Milliteriga Kenya ayaa iyagana sheegtay inay duqeymaha socda ku dileen Boqolaal ka tirsan Alshabaab, balse, ma jiraan warar xaqiijinayo Sheegashadaasi oo u muuqda Borobogaando Milliteri.

©Radio Dalsan   

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts