HomeWararMadaxweynaha Dowladda Federalka oo ka soo laabtay shir ka dhacay Urdun.

Madaxweynaha Dowladda Federalka oo ka soo laabtay shir ka dhacay Urdun.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Aqaba ee dalka Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun kaga soo qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayey isku-dubbaridka, xoojinta iyo iskaashiga dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, waxaana intii uu halkaa joogey kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qeybgashey shir madaxeedka oo uu ka mid yahay Boqorka Jordan, Boqor Cabdalla Bin Xuseen.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo mas’uuliyiin kale.

——DHAMMAAD———

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories