HomeWarar(LA-YAABKA): Ragga Eritrea oo laga codsaday inay guursadaan labo xaas, haddii kalena...

(LA-YAABKA): Ragga Eritrea oo laga codsaday inay guursadaan labo xaas, haddii kalena Xabsi Daa’im !!!

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Kooxaha U Ololeeya Xuquqda Aadanaha ee dalka Eritrea ayaa soo bandhigay Qoraal ay ku sheegeen inuu ka soo baxay Waaxda Arrimaha Diinta ee Dowladda Eritrea.

Qoraalka waxay Dowladda Eritrea kaaga codsatay Ragga u dhashay dalkaasi inay guursadaan ugu yaraan labo xaas, iyadoo arrintaasi ugu wacan tahay iyadoo ay Ragga ku yar yihiin dalkaasi.

Rag badan ayaa ku le’day Dagaalkii ay Eritrea la galeen Milliteriga Ethiopia.

calanka eritreaQoraalka ka soo baxay Dowladda Eritrea oo ku qornaa Luqadda Carabiga ayaa lagu sheegay inay Dowladda dhiiri-gelinayso sida ay Diintu na fartay in la guursado Xaasas badan (The  Polygamous Marriage).

Qoraalka ayaa lagu sheegay in nin kasta oo Eritrean ah waajib ku tahay inuu guursado ugu yaraan labo haween, iyadoo ninkii diida arrintaasi muteysan doono Xabsi Daa’im oo ay wehliso Shaqo Culus (Life Imprisonment with hard labour).

Sidoo kale, Haweeneydii ka horjoogsata Ninkeeda inuu naag kale guursado inay muteysan doonto Xabsi Daa’im.

Qoraalkan oo aysan Dowladda Eritrea si rasmi ahaan u shaacinin, ayey Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Eritrea sheegeen inuu Sharcigan soo baxay iyadoo ay tiradda ragga Eritreanka yaraatay sababo la xiriira Dagaalkii lagu riiqmay ee ay la galeen Milliteriga Ethiopia.

Dagaalkaasi waxa uu bilowday bishii May ee sannadkii 1998-dii, wuxuuna joogsaday bishii June ee sannadkii 2000, waxaana dal kasta kaga geeriyootay ciiddan lagu qiyaasay 150,000 oo qof.

Tiradda Guud ee  dadka Reer Eritrea waxay dhan tahay 4 million oo qof, halka Tiradda Ethiopianka haatan cagacagaynayso 84 million oo ruux.

eritrean marriage1

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska.

Xigasho: www.sde.co.ke

©Radio Dalsan                            

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories