HomeWararBoliska Kenya oo ku fashilmay inay dacwad ku soo oogaan Saxafiga Yassin...

Boliska Kenya oo ku fashilmay inay dacwad ku soo oogaan Saxafiga Yassin Juma

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Saxafiga Rug-caddaaga ee Yasin Juma ayaa maanta laga si idaayey Saldhigga Muthaiga police station ee magaalladda Nairobi, kadib, markii loo xiray inuu baahiyey maydadka Askartii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo. Waaxda Dembi-baarista CID-da ayaa ka codsatay Saxafiga inuu labo […]

- Advertisement -

Saxafiga Rug-caddaaga ee Yasin Juma ayaa maanta laga si idaayey Saldhigga Muthaiga police station ee magaalladda Nairobi, kadib, markii loo xiray inuu baahiyey maydadka Askartii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Waaxda Dembi-baarista CID-da ayaa ka codsatay Saxafiga inuu labo isbuuc kadib iska soo xaadiariyo Xarunta CID-da ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Yassin Juma oo ah Weriye u shaqeyn jirey Telefishinka Nation waxaa la xiray Habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay, iyadoo lagu soo oogay inuu Sawiradda Maydadka ku faafiyey Baraha Bulshadda iyo Websaytyo kale.

Saakayto waxaa la geeyey Maxkamadda Kiambu Law Courts, balse laguma soo oogin wax dacwado ah.

Waxaa laga qaaday Telefoon-gacmeedkiisa, iyadoo la sheegay inuu yahay qalab si xun loogu isticmaalay Isgaarsiinta, sida lagu qoray Buugga Dacwadda oo tirsigiisu yahay OB 52/23/01/2016.

- Advertisement -

Markii laga sii daayey Saldhigga Boliska waxay Weriyaha ku qoray Barta uu ku leeyahay Facebook sidatan:”Ooh Ooh Kanu Yajenga Nchi, Ooh Ooh Kanu Yajenga Nchi, Kanu Eeh Kanu Yajenga Nchi, Am Free at last [sic].”

Erayadaasi oo Luqadda Ksawahili ah ayaa waxa uu micnaheedu yahay: “Ooh, Ooh, Kanu dhiso Dalka. Ooh, Ooh, Kanu dhiso Dalka, La dhiso Kanu Kanu Oh, Dhulka,Ugu dambeyn Xor baan ahay”.

Yassin Juma iyo Saaxiibadiisa Abdirahman Issack iyo Aden Abdullahi waxay Facebook soo dhigeen Sawir ay ku galeen Saldhigga Boliska hortiisa, iyagoo farta dhaqdhaqaajinayo.

YASSIN JUMA1Yassin Juma oo ah Saxafi Muslim ah waxa uu arrintaasi ku micneeyey inay Calaamad Farta Taagan la micno  tahay inuu Ilaahay keli yahay, oo awood leh, isla markaana naxariista.

Yassin Juma waxa u uu mahad celiyey Taageerayaasha ka dibadbaxay  qabashadiisa iyo xarigiisa, iyagoo isticmaalayey via hash tag #FreeYassinJuma.

Inta aan la xirin waxaa la sheegay inay saddex maalin ka hor raadinayeen Saraakiisha Boliska La-dagaalanka Argagixisadda, waxaana Yassin Jumca habeenkii Axadda soo galaysay soo qabtay Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Dembiyadda, isagoo xilligaasi ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Donholm estate ee magaalladda Nairobi.

Qabashadiisa ayaa timid, kadib, markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ka digay in la soo maxkamadayn doono kuwa Sawirradda Askarta Kenyanka ee la dilay ku wadaaga Warbaahinta Bulshadda.

YASSIN JUMA 2 yassin juma3

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

Xigasho: The Star.

©Radio Dalsan                            

Latest stories