HomeWararIiraan oo sheegtay inaysan Somalia iyo Jabuuti ka maarmi karin Taageeradda iyo...

Iiraan oo sheegtay inaysan Somalia iyo Jabuuti ka maarmi karin Taageeradda iyo Ganacsiga Iiraan.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Agaasimaha Maareynta ee  Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The managing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Khosrowjerdi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Tehran Times ee ka soo baxa dalka Iiraan, wuxuuna tilmaamay inaysan wax Walaac ah ku haynin Afarta Dowladood ee Afrikaanka ee xiriirka Diplomaasiyadeed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimaha Maareynta ee  Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The managing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Khosrowjerdi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Tehran Times ee ka soo baxa dalka Iiraan, wuxuuna tilmaamay inaysan wax Walaac ah ku haynin Afarta Dowladood ee Afrikaanka ee xiriirka Diplomaasiyadeed u jaray dalkiisa, kuwaasi oo kala ah Somalia, Jabuuti, Sudan iyo Jesiiradaha Komoros.

Mar wax laga weydiiyey Miisaanka Diplomaasiyadeed ee Go’aanka Dowladda Somalia, waxa uu tilmaamay inaysan Somalia lahayn Dowlad Dhexe oo xoog badan, isla markaana waxay sii wadaan baahida ay ku tiirsan yihiin Dowladda Sacuudiga, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

“Xiriirkeenna Dhaqaale ee aan la leenahay Somalia waxa uu inta badan ahaa ku dhisnaa Ganacsatadda Soomaalida ee Ganacsiga ka sameysa dibedda Somalia” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray inay wax dabiici tahay inay Somalia xiriirka u jartay Iiraan, si ay  Sacuudiga uga helaan Taageero Dhaqaale.

Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku xusay inuusan jirin xiriir Dhaqaale ee toos ah oo ay la leeyihiin Somalia, sababo uu ku micneeyey Walaaca dhinaca Ammaanka Somalia.

Dhinaca kale,  Agaasimaha Maareynta ee  Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The managing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Khosrowjerdi waxaa wax laga weydiiyey Go’aanka Dowladda Jabuuti ku jartay Xiriirkii Iiraan, waxa uu Jabuuti ku tilmaamay Bakhaar Weyn oo Ethiopia ku kaydsato Badeecadaha ay ka soo iibsadaan Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Jabuuti Istaraatijiyad muhiim ah u lahayn Dowladda Iiraan, isla markaana uu rajeynayno inay Dowladda Ethiopia culays saari doonin Dowladda Jabuuti, waa sida laga soo xigtay.

Ugu dambeyntii waxa uu Mas’uulkaasi sheegay inaysan Dowladaha Somalia iyo Jabuuti ka maarmi karin Taageeradda iyo Ganacsiga Iiraan.

©Radio Dalsan                                       

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts