HomeWarar(DAAWO SAWIRADA): Dhaawacyadii u horreeyey Ciiddanka Kenya oo laga dejiyey Garoonka Wilson...

(DAAWO SAWIRADA): Dhaawacyadii u horreeyey Ciiddanka Kenya oo laga dejiyey Garoonka Wilson Airport.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Afar askari oo Kenyan oo ku dhaawacantay dagaalkii Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab Jimcihii hore ku dhex maray Deegaanka Ceel-cadde ayaa duhurnimaddii maanta laga dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi. Taliyaha Ciiddanka Difaaca Kenya, Samson Mwathethe ayaa shaaciyey inay dagaal aan arxan lahayn la geli doonin Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afar askari oo Kenyan oo ku dhaawacantay dagaalkii Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab Jimcihii hore ku dhex maray Deegaanka Ceel-cadde ayaa duhurnimaddii maanta laga dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Kenya, Samson Mwathethe ayaa shaaciyey inay dagaal aan arxan lahayn la geli doonin Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya haatan Alshabaab kaga guuleysteen gudaha dalka Somalia, wuxuuna ka codsaday dadka Reer Kenya inay is-dejiyaan inta ay socdaan Hawlgalka lagu baadi-goobayo Askarta weli la la’ yahay.

Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Gaashaandhigga ka ah Kenya,  Raychelle Omamo ayaa iyadana Askarta dhaawaca ku booqatay Garoonka Wilson Airport, waxyna Reer Kenya ka codsatay inay is-dejiyaan iyo inay Dowladda u oggolaadaan inay qoysaska Askarta u gudbiyaan xaalladda Askarta, ka hor inta aan si rasmi ahaan loogu dhawaaqin magacyadda Askarta lagu dilay Ceel-cadde.

Ciiddanka Kenya waxay qorsheynayaan in Xarumo lagu daaweeyo Ciiddanka laga furo Degmooyinka Eldoret, Gilgil iyo Taalladda Ciiddamadad ee magaalladda Nairobi, si loogu maareeyo dhaawacyadda Askarta iyo kuwa la la’ yahay.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad loo hadal-hayaa in la la’ yahay Ciiddan badan oo Kenyan ah, kuwaasi oo ka mid ahaa Askartii Kenyaanka ee lagu weeraray Saldhigga Ceel-cadde oo 60-KM u jirta magaallo-madaxda Gobalka Gedo ee Garbahaareey.

KDF111

KDF INJURED 00111

KDF INJURED1 KDF INJURED3
KDF INJURED2

©Radio Dalsan                      

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts