HomeWararBadmaaxiinta Maraykanka ee lagu qabtay Badda Iiraan oo la sii daayey.

Badmaaxiinta Maraykanka ee lagu qabtay Badda Iiraan oo la sii daayey.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Dhamaan 10-kii Mariniska ayaa la sii daayey saacado kadib, markii ay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Iiraan ka soo qabteen Xuduud-baddeedka Iiraan.

Mariniska oo ka koobnaa 9 nin iyo haweeney ayaa lagu hayey Saldhig ay Ciiddanka Badda Iiraan ku leeyihiin Jesiiradda Farsi ee Gacanka Persia.

IRGC IRAN NAVYTaliyaha Ciiddanka Badda Iiraan,  Jeneral Cali Fadafi ayaa sheegay in la sii daayey Mariniska, kadib, markii la soo dhamaystiray baaritaanka lagu ogaanayey sababaha ay u soo galeen Badda Iiraan.

Waxa uu tilmaamay inay Mariniska raalli-gelin ka bixiyeen xad-gudubkooda, kadibna ay ka shiraacdeen Biyaha Iiraan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa ka mahadceliyey tallaabadaa lagu sii daayey.

John Kerry waxa uu khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Iiraan, Mohamed Javad Shariif.

Dowladaha Maraykanka iyo Iiraan ma laha wax xiriir Diplomaasiyadeed, balse waxaa arrintan fududeeyey kadib, markii ay Quwadaha Adduunka bishii July isfaham ka gaareen Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

Teeda kale, Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Iiraan u fududeysay Kiiska Mariniska, maadaama ay haatan ku furan yihiin Mowjado Siyaasadeed oo kaga yimid Dowladda Sacuudiga iyo Dowladaha kale ee Carabta.

MARINES 1

MARINES 2 MARINES333

WQ. Axmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan    

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories