HomeWararSomali Iimaam Masjid ka ahaa Kanada oo khatar ugu jira in la...

Somali Iimaam Masjid ka ahaa Kanada oo khatar ugu jira in la soo masaafuriyo.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Calgary ee dalka Kanada waxaa shalay la soo taagay Iimaam Somali ah oo lagu magacaabo Cabdi Xersi, kaasi oo ay Dacwad ka taallo Maraykanka. Kiiska Maxkamadda ayaa lagu eegay sidii loogala laaban lahaa Qaxootinimadda, si uu u wajaho Dacwadda ka taalla dalka Maraykanka, taasi oo lagu sheegay inuu sannadkii2006-dii ku xadgudbay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Calgary ee dalka Kanada waxaa shalay la soo taagay Iimaam Somali ah oo lagu magacaabo Cabdi Xersi, kaasi oo ay Dacwad ka taallo Maraykanka.

Kiiska Maxkamadda ayaa lagu eegay sidii loogala laaban lahaa Qaxootinimadda, si uu u wajaho Dacwadda ka taalla dalka Maraykanka, taasi oo lagu sheegay inuu sannadkii2006-dii ku xadgudbay labo haween oo Bukaan ahaa, kuna jiray Isbitaal uu ka shaqeyn jirey oo ku yaalla Gobalka Minesotta ee dalka Maraykanka.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo ku noolaan jirey Maraykanka ayaa u soo guuray dalka Kanada sannadkii 2008-dii, oo laga siiyey Magangeliyadda Qaxootinimadda.

Garsooraha Maxkamadda Federalka ee magaalladda Calgary, Jeemis Rusel ma shaacinin xilliga uu ku dhawaaqi doono Go’aanka Rasmiga iyo haddii Eedeysanaha lagala noqon doono Magangeliyadda Qaxootinimadda laga siiyey Kanada.

Dhinaca kale, Garyaqaanka Eedeysanaha oo lagu magacaabo Raj Sharma ayaa beeniyey dacwadaha loo haysto Cabdi Xersi, wuxuuna xusay inay Noloshiisa khatar ku jirto  haddii loo soo masaafuriyo dalka Somalia.

- Advertisement -

Xigasho: CBCNEWS

©Radio Dalsan     

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts