HomeWararWasiirka Socdaalka ee Australia oo isku casilayo qaabkii qaldanaa ee uu kula...

Wasiirka Socdaalka ee Australia oo isku casilayo qaabkii qaldanaa ee uu kula macaamiltamay Haweeney Qaxooti Somali ah.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Socdaalka ee Australia, Peter Dutton ayaa la filayaa inuu is-casilo ama uu Ra’isul-wasaare Malkolom Trumbul xilka ka qaado bilowga sannadkan, kadib, markii uu qaab xun ula dhaqmay Haweeney Somali oo lagu kufsaday Xero Qaxootiga lagu hayo oo ku taalla Jesiiradda Nauru. Haweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan taasi oo bilowgii bishii October ee […]

- Advertisement -

Wasiirka Socdaalka ee Australia, Peter Dutton ayaa la filayaa inuu is-casilo ama uu Ra’isul-wasaare Malkolom Trumbul xilka ka qaado bilowga sannadkan, kadib, markii uu qaab xun ula dhaqmay Haweeney Somali oo lagu kufsaday Xero Qaxootiga lagu hayo oo ku taalla Jesiiradda Nauru.

Haweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan taasi oo bilowgii bishii October ee sannadkii hore u tagtay Australia, si looga soo tuuro uurka ay ku qaatay Kufsi-wadareedkii loogu geystay Jesiiradda Nauru.

- Advertisement -

Haweeneydaasi iyadoo aan la kulmin Dhakhaatiirta ayey Dowladda Australia waxay haweeneyda Soomaalida ugu kireeyeen 115,000 oo Dollar Diyaarad Khaas ah, iyadoo dib loogu celiyey Jesiiradda Nauru.

Dhinaca kale, Wasiirka Socdaalka ee Australia, Peter Dutton waxaa loo haystaa inuu Farriin Qoraal (SMS) ku aflagaadeeyey Haweeney Saxafiyad ah oo hawlaheeda gudanaysay.

Erayadaha uu Wasiirka ku isticmaalay Farriintaasi ayaa ahayd mid aysan ku habboonayn inuu qof mas’uul ah isticmaalo.

- Advertisement -

©Radio Dalsan      

Latest stories