HomeWararBristol:- Arday Somali oo si khasab ah looga dejiyey Bas oo loo...

Bristol:- Arday Somali oo si khasab ah looga dejiyey Bas oo loo soo celiyey Kharajka Tikidhkiisa.

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Ibrahim Mohamed Ismail oo 42-jir ah ahna Arday Luqadda Shiineeska ka barta Jaamacadda “The Open University” ee dalka Britain ayaa loo soo celiyey Kharajka Tikidh uu ka goostay Shirkadda Basaska ee National Express Coach.

britsol1Ninkaasi waxaa si khasab ah looga dejiyey Baska Shirkadaasi bishii December 3-dii ee sannadkii hore, kadib, markii ay qaar ka mid ah Rakaabka qoonsadeen, kuna direen Dareewalka oo ku khasbay inuu Baska ka soo dego.

Waxaana uu muranka ka dhashay Baska u sabab ahaa isagoo watay qalab badan oo ay ka mid yihiin 3 Boorsada Garabka, Laptop iyo Makiinadda Daabacaada (Printer).

Ibrahim Mohamed Ismail oo Reer Bristol ah, ma laha guri uu si gaar ah u deggan yahay, wuxuuna inta badan safraa isagoo wada dhamaan Hantidiisa.

Wargeyka Daily Mail oo maanta wax ka qoray arrintaasi ayaa sheegay inay Shirkadda National Express haatan bixiyeen Kharajka tikidhka oo dhan 25 Pound (£25), balse waxay diideen inay Raalli-gelin ka bixiyaan Qaladkii ay galeen.

bristol 2Kharajka Tikidhka ee ay Shirkadda soo celiyeen waxa uu ka dambeeyey kadib, markii ay Hoggaamiyayaasha Bulshadda kulan la qaateen Madaxda Shirkadda Basaska ee The National Express, kana wada hadleen Dhacdada Foosha Xun ee Ardayga Soomaaliga sida khasabka ah looga dejiyey Baska.

Kulan kale ayaa la filayaa inay Ergadaasi la yeeshaan Madaxda Shirkadda, si ay Raalli-gelin uga bixiyaan Qaladka ay ka galeen Ardayga Soomaaliga ee Ibrahim Mohamed Ismail oo ay si khasab ah kaga dejiyeen Baska.

©Radio Dalsan          

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories