HomeWararKaftan Siyaasadeedka Taagan: Bakool Sare u ekaa Isbaaro Cusub

Kaftan Siyaasadeedka Taagan: Bakool Sare u ekaa Isbaaro Cusub

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guuxa Dadweynaha waxa maalmahan aad looga hadlayaa Maamulka looga dhawaaqay Waqooyiga Gobalka Bakool, iyadoo Maamulkaasi laga dhex dhisayo Degmooyin iyo Tuullooyin hoos taga Maamul-gobaleedka K/galbeed Somalia. Kafateeriyadii aan Kalyantiga ka ahaa ayaan tegay, markii aan fariistay waxaan eegay horteyda iyo hareerahayga, waxaan indhaha ka qaaday xubno ka doodaya Maamulka cusub ee dhowr maalmood ka hor […]

- Advertisement -

Guuxa Dadweynaha waxa maalmahan aad looga hadlayaa Maamulka looga dhawaaqay Waqooyiga Gobalka Bakool, iyadoo Maamulkaasi laga dhex dhisayo Degmooyin iyo Tuullooyin hoos taga Maamul-gobaleedka K/galbeed Somalia.

cafateria 000Kafateeriyadii aan Kalyantiga ka ahaa ayaan tegay, markii aan fariistay waxaan eegay horteyda iyo hareerahayga, waxaan indhaha ka qaaday xubno ka doodaya Maamulka cusub ee dhowr maalmood ka hor Idaacadaha laga iclaamiyey in ay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka iyo Siyaasiyiin kale yegleeleen Maamulka Bakool Sare oo ay hoos tagaan Labo Degmo iyo dhowr Tuullo.

- Advertisement -

Doodda waxay dhex maraysay dhowr Oday oo aan magacyadooda u kala bixinay Olol, Mooge, Ibrow, Colaad iyo Mideeye, waxayna sheekadooda u dhacday sidatan:-

Ibrow: Walee, Federaalka iyo Maamul-gobaleedka waxa uu keenay Jahwareer Siyaasadeed, waana fahmi la’ahay sida uu xaalku ku dambeyn doono.

Mooge:- Haa waa Tallaabo Wanaagsan, Maamul dadka Deegaanka doortaan waa inoo dan dhamaanteenna.

- Advertisement -

Olol: Dadka isku haybta ah waa inay iska war qabaan Min Raas Casayr ilaa Raas Kambooni, waa Isbahaysi loo baahan yahay.

Colaad: Maxaa inoo dan ah, ma in Tobankii Kiilmitir Maamul-gobaleed lagu sheegaa. Walee waxaan maqli jirey Heestii hooriskeedu ahaa: “Markaan ku lahaa Ugaasooy, Ujeedo Fog baan lahaa”.

Mideeye: Waa runtaa, oo Hoggaamiyayaasha waxay isku maleegayaan Isbaaro Siyaasadeed iyo in lagu kala haro Leexadda Siyaasadda ee hadba dhinac u liicaysa. Bakool Sare Waa Xeellad cusub oo wax lagu fashilinayo.

Ibrow: Waa dareensanahay in Ujeedo Dahsoon laga leeyahay, Madaxweynaha Bakool Sare waa hebel Mashruuc, Maamulkiisa waa Mashruuc ay maalgelinayaan Saaxiibadda Siyaasadda iyo Ehelnimadda madax-martay.

Mooge: Waa Runtiina, waa fiican tahay ha la dhiso Maamul-gobaleed, si loo qanciyo Siyaasiyiinta hadba Isbaaro cusub u dhiganayo Mustaqbalka Somalia.

Olol: Qancintu waa waxa Madaxweyne loogu doortay, waa in lagu taageeraa inuu Maamul ka dhistaan xitaa Deegaanadda looga tiro badan yahay Taageerayaashooda.

Colaad: War maxaa fiican, Xaalku waa wax bi’is iyo Ficiltan caynba-cayn ah, haddii ay Siyaasiyiinta maalgelisay Bakool Sare lahayn Ujeedo kale, maxay Goballadda ay Madaxda ka yihiin uga xaarxaari waayeen Degmooyin hoos taga Mashruuca lagu doonayo in lagu dhabar-jebiyo Maamulka K/galbeed.

Mideeye: Anigu waxaan is-leeyahay Bakool Bari waa Barnaamij Reer Bay iyo Bakool fidno looga dhex abuuri doono. Waxaase dhihi lahaa Caaqilnimo iyo Mas’uuliyanimo ma ah Madaxweyne Mashruuc lagu fulinayo  iyo Maamul-gobaleed aan mug lahayn.

Ibrow: Reer Bay iyo Bakool dhoohane ma aha, Maamulkoodana Miyir-laawe ma aha, Bakool Sarena waa Isbaaro wax lagu carqaladeynayo.

©Radio Dalsan 

Latest stories