HomeWararNin Somali oo haween ku kufsaday Britain oo loo oggolaaday inuu ku...

Nin Somali oo haween ku kufsaday Britain oo loo oggolaaday inuu ku sii nagaado dalkaasi.

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabdalla Cali Xamad ayaa ku guuleystay Xuquuqda uu ku sii joogi karo dalka Britain, iyadoo loo cuskaday sababo dhinaca Xuquuqda Aadanaha. Ninkaasi ayaa la sheegay inuu labo haween kufsaday, iyadoo uu mid ka mid ah Haweenkaasi siiyey waxyaabaha maanka dooriya, si uu ugu xad-gudbo. Ninkaasi oo 51 jir ah ayaa waxaa […]

- Advertisement -

Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabdalla Cali Xamad ayaa ku guuleystay Xuquuqda uu ku sii joogi karo dalka Britain, iyadoo loo cuskaday sababo dhinaca Xuquuqda Aadanaha.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu labo haween kufsaday, iyadoo uu mid ka mid ah Haweenkaasi siiyey waxyaabaha maanka dooriya, si uu ugu xad-gudbo.

- Advertisement -

Ninkaasi oo 51 jir ah ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu yahay nin khatar ku ah Bulshadda, waxaana lagu xukumay Xabsi 12 Sanno ah iyo in marka uu xukunka dhamaysto loo masaafuriyo Somalia.

Garyaqaanadiisa ayaa dadaal u galay in laga laabto in Somalia loo soo masaafuriyo, iyagoo sheegay inuu noloshiisa khatar geli karto haddii lagu celiyo Somalia, maadaama uu ka soo jeedo Qabiilka laga tirada badan yahay ee Baajuunta.

Dhinaca kale, Eedeysane Cabdalla Cali Xamad ayaa haatan la sheegay in la tuuray Xukunkiisa, iyadoo ay Dowladda Britain ku hawlan tahay Dib-u-habayn lagu samayanyo Sharciga Xuquuqda Aadanaha, si looga hortago in si xun loola dhaqmo Dembiilayaasha Shisheeyaha.

- Advertisement -

Cabdalla Cali Xamad oo magangelyo qaxootinimo laga siiyey Britain sannadkii 2002-dii,waxaa la sheegay inuu haweeneydii ugu horreysay ku kufsaday magaalladda Aberdeen bishii July ee sannadkii 2004-tii.

Sidoo kale, bishii August ee sannadkii 2006-dii waxa uu weeraray, kadibna kufsaday haweene uu siiyey Mukhaadaraad iyo  Alkol.

Bishii December ee sannadkii 2006-dii waxa uu qaaday fal u ku kufsan lahaa Haweeney la degganayd qeyb ka mid ah Dhismo Dabaqyo ah.

©Radio Dalsan

Latest stories