HomeWararFBI-da oo dacwad cusub ku soo oogtay Nin Somali-Maraykan ku eedeysan inuu...

FBI-da oo dacwad cusub ku soo oogtay Nin Somali-Maraykan ku eedeysan inuu ku biiri lahaa Daacish

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

C/risaaq Maxamed Warsame oo 20-jir ah ayaa waxaa mar kale shalay la soo taagay Maxkamad, iyadoo uu Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Federalka ee FBI ku soo eedeeyey inuu Eedeysanaha khibrad u leeyahay samaynta Gantaallo lagu cabsi gelin karo Diyaaradaha ku soo degayo Garoonka Diyaaradaha ee Saint Paul ee magaalladda Minneapolis. Daniel Higgins ayaa hadalkaasi […]

- Advertisement -

C/risaaq Maxamed Warsame oo 20-jir ah ayaa waxaa mar kale shalay la soo taagay Maxkamad, iyadoo uu Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Federalka ee FBI ku soo eedeeyey inuu Eedeysanaha khibrad u leeyahay samaynta Gantaallo lagu cabsi gelin karo Diyaaradaha ku soo degayo Garoonka Diyaaradaha ee Saint Paul ee magaalladda Minneapolis.

Daniel Higgins ayaa hadalkaasi ka sheegay Dhegeysiga Dacwadda loo haysto C/risaaq Maxamed Warsame oo deggan Gobalka Minnesota.

- Advertisement -

FBI-da waxay Maxkamadda u soo bandhigeen Codad si qarsoodi ah looga soo duubay Eedeysanaha oo uu ku sheegayo inuu awoodi karo inuu sameeyo Gantaal nooca guri-ku-samays ah “Homemade Rockets”, kaasi oo gaari kara ilaa 2,000 oo cagood.

FBI-da waxay kaloo sheegeen inuu Eedeysanaha Xamaali ka ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Minneapolis muddadii u dhexeysay April ilaa August ee sannadkii hore ee 2014-kii.

Garsoorad Becky Thorson oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Minnesota ayaa  qaaday Dhegeysiga Dacwadaasi, waxayna taageertay Warbixinta ay soo gudbiyeen FBI-da.

- Advertisement -

Waxay kaloo sheegtay inaan la sii dayn karin Eedeysanaha oo ay ku tilmaamtay inuu khatar ku yahay Diyaaradaha iyo Mujtamaca.

Kiiska Eedeysane C/risaaq Maxamed Warsame ayaa haatan u gudbay Garsooraha Weyn, iyadoo Dacwad-oogayaasha doonayaan fasax si ay u sii wadaan Dacwadaasi.

Eedeysanahaasi oo la xiray bishan December 9-dii waxa uu ka mid yahay 10 dhallinyaro Somali deggan Gobalka Minnesota, kuwaasi oo  tan iyo bishii April ee sannadkan ku socotay Dacwad la xiriirta inay taageero u fidin lahaayeen, kuna biiri lahaayeen Kooxda Daacish ee ka dagalaanta dalalka Syria iyo Iraq.

Abdirizak Mohamed Warsame4

©Radio Dalsan                               

Latest stories