HomeWarar(LA YAABKA):- Tuugo dhowr dameer qalatay oo si xun loo garaacay

(LA YAABKA):- Tuugo dhowr dameer qalatay oo si xun loo garaacay

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Qaar ka mid ah dadka ku nool Deegaanka Mai Mahiu ee hoos tagta Degmadda Naivasha ee dalka Kenya ayaa la sheegay  inay maanta ku xoomeen, isla markaana ay si xun u garaaceen 3 Tuugo oo qalatay 4 dameer oo ay dadkaasi lahaayeen. Tuugada ayaa la arkay iyagoo baco waa weyn ku wata Hilibka Dameeraha, si […]

- Advertisement -

Qaar ka mid ah dadka ku nool Deegaanka Mai Mahiu ee hoos tagta Degmadda Naivasha ee dalka Kenya ayaa la sheegay  inay maanta ku xoomeen, isla markaana ay si xun u garaaceen 3 Tuugo oo qalatay 4 dameer oo ay dadkaasi lahaayeen.

Tuugada ayaa la arkay iyagoo baco waa weyn ku wata Hilibka Dameeraha, si ay ugu iib geeyaan Suuqa lagu iibiyo Noocyadda Hilibka.

- Advertisement -

Goobjooge lagu magacaabo Joseph Njoroge ayaa sheegay in Koox Dhallinyaro oo raadinayey Dameero ka lumay ayaa waxay arkeen Tuugadii, kadib, markii ay qaar ka mid ah dadka Deegaanka u soo far muuqeen.

Goobjoogaha oo u waramay Wargeyska The Star ayaa sheegay inay Boliska badbaadiyeen Tuugadii la garaacayey, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka,kadib, markii ay dadkii lahaa Dameeraha ay si arxan lahayn u garaaceen.

Boliska waxay sheegeen in Tuugadii lagu ilaalinayo Isbitaalka, isla markaana marka ay ladnaadaan la hor geyn doono Maxkamadda.

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan Boliska Deegaanka Mai Mahiu oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa ugu baaqay dadka inaysan Sharciga gacmahooda ku qaadanin, isla markaana ay Boliska ku soo wargeliyaan si tallaabo looga qaado Dembiilayaasha.

Mid ka mid ah dadkii lahaa Dameeraha la qashay ayaa sheegay in garaacista Tuugada ay Farriin cad u tahay kuwa shaqada ka dhigta inay qashaan Dameeraha la soo xaday, si ay u cunaan ama ay u sii iibiyaan.

© Radio Dalsan       

Latest stories