HomeWararMadaxweynaha oo dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho.

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia iyo Wafdi uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay booqasho hawleed ku tageen magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beled-weyne. Madaxweynaha waxa uu saddexdii maalmood ee ugu dambeysay Kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta Gobalka Hiiraan, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha ku wada nool Gobalka Hiiraan. Madaxweynaha waxa uu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia iyo Wafdi uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay booqasho hawleed ku tageen magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beled-weyne.

Madaxweynaha waxa uu saddexdii maalmood ee ugu dambeysay Kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta Gobalka Hiiraan, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha ku wada nool Gobalka Hiiraan.

- Advertisement -

Madaxweynaha waxa uu Kulamo Xasaasi ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo uu kala hadlay Xoojinta Nabadda iyo Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe oo lagu wado in lagu qabto magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar.

Kulanka Madaxweynaha iyo Odayaasha Reer Hiiraan ayaa u muuqda mid horumar laga gaaray, iyadoo uu Madaxweynaha kula dardaarmay Odayaasha Dhaqanka inay ka qeyb galaan Shirkaasi, si loo soo dhiso Maamul-gobaleedka Labadaasi Gobal.

Dhinaca kale, Magaalladda Beled-weyne waxaa ka dhacay Dibadbax la soo abaabulay oo lagu diidan yahay inay Reer Hiiraan ka qeyb galaan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan oo lagu qabanayo magaalladda Jowhar.

- Advertisement -

©Radio Dalsan      

Latest stories