HomeWararMaleeshiyaddii ku dagaalantay Beled-weyne oo Heshiis la dhex dhigay

Maleeshiyaddii ku dagaalantay Beled-weyne oo Heshiis la dhex dhigay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka, ayaa ku guuleystay inay Heshiis kala dhex dhigaan Maleeshiyo-beeleedkii dhawaan ku dagaalamay Xaafadda H/wadaag ee Galbeedka magaalladda Beled-weeyne.

Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay Munaasabadda ay Odayaasha Dhaqanka ee Beelihii dagaalamay wada  saxiixeen Heshiiska Nabadda ayaa sheegay in loo baahan yahay in si nabad ah lagu noolaado, lana dhowro Wada-deganaanshaha Bulshadda.

Waxa uu tilmaamay in laga shaqeeyo Nabadda, lana dhaqan-geliyo Heshiiska Nabadda oo ka kooban qoddobadan:-

  1. Dhaqan-gelinta iyo Adkeynta Xabbad-joojinta la kala saxiixday, lagana fogaado wax kasta oo keeni karo colaad dambe (Af iyo Addinba).
  2. In goobihii lagu dagaalamay ahaadaan kuwo ka caagan wax dhaqdhaqaaq ciiddan, iyadoo mas’uuliyadda ammaanka looga dambeeyo Ciiddanka Dowladda iyo kuwaAMISOM.
  3. Inay Cuqaasha iyo Mas’uuliyiinta labada Beelood ballan-qaadaan inay ilaaliyaan Amniga iyo Xasiloonida magaalladda, wixii labada beelodo dhexdooda ahna loo soo saaro Guddi soo baara, kadibna xal ka gaara. Guddigaasna waxaa xubno ka noqon doona: Odayaasha Dhaqanka Labada Beelood iyo kuwa Beelaha kale ee Reer Hiiraan.
  4. Wixii tabasho siyaasadeed ah ee ay qabaan Beelaha Reer Hiiraan waa in loo maraa Waddo Sharci ah, Dowladda Federalka Somalia waxay diyaar u tahay wax-ka-qabashadda wixii tabasho Maamul ee ay qabaan Beelaha Reer Hiiraan.
  5. Cid kasta oo loo arko inay caqabad ku tahay Dhaqangelinta Heshiiskan ayaa tallaabo Sharci ah ayaa laga qaadi doonaa. Waxaa mas’uuliyadda Dhaqangelinta Heshiiska mas’uul ka ah Dowladda Somalia iyo Ciiddanka AMISOM oo iskaashanayo.
  6. Heshiiskan waxa uu dhaqan galayaa marka la saxiixo.

Xaalladda Xaafadda H/wadaag ee Beled-weyne ayaa haatan aad u deggan, iyadoo Maleeshiyooyinkii la dejiyey meel ka baxsan magaalladda Beled-weyne.

HESHIIS 1 HESHIIS 2 HESHIIS 4 HESHIIS 3

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories