HomeWararMaleeshiyaddii ku dagaalantay Beled-weyne oo Heshiis la dhex dhigay

Maleeshiyaddii ku dagaalantay Beled-weyne oo Heshiis la dhex dhigay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka, ayaa ku guuleystay inay Heshiis kala dhex dhigaan Maleeshiyo-beeleedkii dhawaan ku dagaalamay Xaafadda H/wadaag ee Galbeedka magaalladda Beled-weeyne. Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay Munaasabadda ay Odayaasha Dhaqanka ee Beelihii dagaalamay wada  saxiixeen Heshiiska Nabadda ayaa sheegay in loo baahan yahay in si nabad ah lagu noolaado, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka, ayaa ku guuleystay inay Heshiis kala dhex dhigaan Maleeshiyo-beeleedkii dhawaan ku dagaalamay Xaafadda H/wadaag ee Galbeedka magaalladda Beled-weeyne.

Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay Munaasabadda ay Odayaasha Dhaqanka ee Beelihii dagaalamay wada  saxiixeen Heshiiska Nabadda ayaa sheegay in loo baahan yahay in si nabad ah lagu noolaado, lana dhowro Wada-deganaanshaha Bulshadda.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in laga shaqeeyo Nabadda, lana dhaqan-geliyo Heshiiska Nabadda oo ka kooban qoddobadan:-

  1. Dhaqan-gelinta iyo Adkeynta Xabbad-joojinta la kala saxiixday, lagana fogaado wax kasta oo keeni karo colaad dambe (Af iyo Addinba).
  2. In goobihii lagu dagaalamay ahaadaan kuwo ka caagan wax dhaqdhaqaaq ciiddan, iyadoo mas’uuliyadda ammaanka looga dambeeyo Ciiddanka Dowladda iyo kuwaAMISOM.
  3. Inay Cuqaasha iyo Mas’uuliyiinta labada Beelood ballan-qaadaan inay ilaaliyaan Amniga iyo Xasiloonida magaalladda, wixii labada beelodo dhexdooda ahna loo soo saaro Guddi soo baara, kadibna xal ka gaara. Guddigaasna waxaa xubno ka noqon doona: Odayaasha Dhaqanka Labada Beelood iyo kuwa Beelaha kale ee Reer Hiiraan.
  4. Wixii tabasho siyaasadeed ah ee ay qabaan Beelaha Reer Hiiraan waa in loo maraa Waddo Sharci ah, Dowladda Federalka Somalia waxay diyaar u tahay wax-ka-qabashadda wixii tabasho Maamul ee ay qabaan Beelaha Reer Hiiraan.
  5. Cid kasta oo loo arko inay caqabad ku tahay Dhaqangelinta Heshiiskan ayaa tallaabo Sharci ah ayaa laga qaadi doonaa. Waxaa mas’uuliyadda Dhaqangelinta Heshiiska mas’uul ka ah Dowladda Somalia iyo Ciiddanka AMISOM oo iskaashanayo.
  6. Heshiiskan waxa uu dhaqan galayaa marka la saxiixo.

Xaalladda Xaafadda H/wadaag ee Beled-weyne ayaa haatan aad u deggan, iyadoo Maleeshiyooyinkii la dejiyey meel ka baxsan magaalladda Beled-weyne.

HESHIIS 1 HESHIIS 2 HESHIIS 4 HESHIIS 3

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts