HomeWararMaxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday Nin Somali oo dilay...

Maxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday Nin Somali oo dilay Nin British ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maxkamadda magaalladda Sheffield ee dalka Britain waxay xukun 36 sanno ah ku riday Nin Somali ah oo lagu magacaabo Jaamac Axmed, kadib, markii lagu helay inuu dilay nin la oran jirey Jordan Thomas bishii Decmber ee sannadkii hore. Jordan Thomas  oo 22-jir ahaa ayaa waxaa toogtay rag wejiga soo hagoogtay, kuwaasi oo labo xabbadood laabta […]

- Advertisement -

Maxkamadda magaalladda Sheffield ee dalka Britain waxay xukun 36 sanno ah ku riday Nin Somali ah oo lagu magacaabo Jaamac Axmed, kadib, markii lagu helay inuu dilay nin la oran jirey Jordan Thomas bishii Decmber ee sannadkii hore.

Jordan Thomas,Jordan Thomas  oo 22-jir ahaa ayaa waxaa toogtay rag wejiga soo hagoogtay, kuwaasi oo labo xabbadood laabta kaga dhuftay  xilli uu gaari ku marayey bartamaha magaalladda Sheffield.

- Advertisement -

Rasaastii ka dustay Jordan Thomas waxay dhaawaceen Dareewalkii Gaariga, Neshun Freguson oo 28-jir ah, kaasi oo dhaawacmay.

Eedeysane Jamaac Axmed  ayaa la sheegay inuu Britain ka dhoofay markii uu toogashadda geystay kuna laabtay Somalia, wuxuuna Britain ku soo laabtay dhowr bilood kadib.

Garsoorihii Maxakamadda, Justice Green ayaa sheegay inuu Jaamac Axmed ka mid yahay Soomaalida ka ganacsata Darogadda ee ku nool magaalladda Sheffield, wuxuuna xusay in xukunka lagu riday micnihiisu ahayn inuu yahay qofkii sida tooska u geystay Toogashadda, balse uu la socday gaarigii wax laga soo toogtay.

- Advertisement -

Dacwadan oo socotay muddo 8 isbuuc ah ayaa waxay Maxkamaddu maqashay in Marxumka la dilay qeyb ka ahaa Kooxaha Gangestarada ka yimid Deegaanka Pitsmoor ee magaalladda Sheffield.

Maxkamadda waxaa kaloo la soo taagay nin kale oo lagu magacaabo Asif Yuusuf oo 33-jir ah, kaasi oo isticmaalayey gaariga  loo adeegsaday dilka, waxaana Boliska la faray inay soo dhamaystiraan baaritaanka doorkii uu ku lahaa dilkaasi.

Dhinaca kale, in ka badan saddex sanno ka hor, Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Mubarak Ali oo 23-jir ah ayaa waxa uu Tooreey  ku dilay nin ay ilmo adeer ahaayeen Jordan Thomas oo la oran jirey James Knowles.

Mubarak Ali waxaa xilligaasi lagu xukumay 10-sanno, wuxuuna weli ku jiraa Xabsiga

Latest stories