HomeWararAskari Ugandese ka mid ahaa Askartii ku dhaawacantay Muqdisho oo cabasho ka...

Askari Ugandese ka mid ahaa Askartii ku dhaawacantay Muqdisho oo cabasho ka muujiyey daryeel-xumo haysata

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Maliki Wakibi oo ah Askari ka tirsan Ciiddanka Uganda ee sannadkii hore ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inay Dowladda Uganda dayacday, isagoo ah Xaasley 10-carruur dhalay.

Maliki Wakibi oo deggan Tuulladda Kareu ee dEgmadda Busiya ayaa waxa ay dhaawacyo ka soo gaareen gacanta, ciribta, dhegta iyo inta u dhexeysa misigta iyo bawdada ayaa tilmaamay inuusan haysanin wax carruurtiisa ku quudiyo ama uu daawo ka dhigto.

“Bil kasta waxaa baaritaan caafimaad u tagaa Isbitaalka Aga Khaan ee magaalladda Nairobi, waxaana iga baxda kharaj dhan 700,000 oo Shillinka Kenya” ayuu ku calaacalay Askarigaasi oo ka qoomameeyey Hawlgalkii uu Somalia u soo aaday.

Wxaa kaloo sheegay inaan la siinin xitaa Lacaihii mushaarka ee Askarenimo.

Dhinaca kale, Afhayeenka Guutada 3-aad ee Ciiddanka Uganda, Captain Michael Minjo ayaa gaashaanka ku dhuftay Cabashadad Askarigaasi dhaawacan.

Afhayenka waxa uu sheegay inay Ururka Midowga Afrika si toos ah u bixiyaan Kharajka Askarta Uganda ee ku soo dhaawacanta Hawlgalka AMISOM, wuxuuna tilmaamay inuu og yhaya in Askarigaasi la siiyo kharajka daawadiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inay suurtogal tahay inuu qaab qaldan u isticmaaalo Khaarajka la siiyo.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories