HomeWararMaydkii Safiirkii Somalia ee Masar oo goor dhow la keenayo Muqdisho, si...

Maydkii Safiirkii Somalia ee Masar oo goor dhow la keenayo Muqdisho, si loogu aaso

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Allaha U Naxariistee, waxaa saakayto lagu wadaa in maydka Danjirihii Somalia u joogay dalka Masar, Marxuum Ambassador C/llaahi Xasan Maxamuud laga soo dejiyo Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho. Maydka Marxumka ayaa waxa shalay Garoonka magaalladda Qaahira ka soo qaaday Diyaarad Turkish Airlines oo ku sii jeeday magaalladda Istanbuul, taasi oo lagu […]

- Advertisement -

Allaha U Naxariistee, waxaa saakayto lagu wadaa in maydka Danjirihii Somalia u joogay dalka Masar, Marxuum Ambassador C/llaahi Xasan Maxamuud laga soo dejiyo Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Maydka Marxumka ayaa waxa shalay Garoonka magaalladda Qaahira ka soo qaaday Diyaarad Turkish Airlines oo ku sii jeeday magaalladda Istanbuul, taasi oo lagu wado inay goor dhow soo caga-dhigato Garoonka Aadan Cadde.

- Advertisement -

Warbaahinta dalka Masar ayaa sheegtay inay maydka horey u soo raaceen xubno ka tirsan Qoyskiisa, Qunsulka Somalia ee Masar  iyo qaar ka mid ah Diplomaasiyiinta Carabta iyo Afrikaanka ee  ay Marxuumka iskala shaqeyn jireen dalka Masar.

janaasadMarxumka waxaa salaadda Janaaasadda lagula tukaday Masjidka  Cumar Makram oo ku u dhow Fagaaraha Taxriir, waxaana dadkii ka qeyb galay Jnaaasadaasi ka mdi ah Madaxweynihii hore ee Somalia, Dr. C/qaasim Salaad Xasan iyo Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo Diplomaasiyiin Carbeed iyo kuwo Afrikaan.

Marxuum Ambassador C/llaahi Xasan Maxamuud oo isku hayey Xilalka Safiirka Somalia ee dalka Masar iyo Wakiilka Joogtadda ee Dowladda Somalia u joogay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu maalintii Axadda ee la soo dhaafay  ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Qaahira.

- Advertisement -

Marxumka oo 72-jir ahaa, ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun dhinaca Wadnaha, waxaana la filayaa in lagu aaso magaalladda Muqdisho, iyadoo ay Dowladda Federalka u samaynayso Aas Qaran.

Allaha U Naxariistee, Marxuum Danjire Abdullahi Hassan Mohamoud waxa uu ku dhashay Degaanka Iimeey ee dhulka Soomaalida Ethiopia, wuxuuna Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo jiray muddo 28-sanno ah.

Sannadkii 1987-kii waxaa loo magacaabay Danjirihii Somali u joogay dalka Algeria, iyadoo Sannadkii 1996-kii loo magacaabay Danjiraha Somalia ugu wakiilka ah dalka Masar iyo Wakiilka Joogtadda ee Somalia u joogay Ururka Jamaacadda Carabta.

Xilligii Qaran-burburka waxa uu u dhabar adeegay Xilkii Safiirnimo ee uu hayey, wuxuuna iibsaday Baaskiil si uu ugu guto Hawlaha Qaranka, waxayna Diplomaasiyiinta joogtay Qaahira ugu yeeri jireen Danjiraha Baskiilka.

Allaha U Naxariisto Danjiruhu waxa uu ifka kaga tegay labo xaas iyo 8 carruur.

© Radio Dalsan      

Latest stories