HomeWararCCA oo Tartan Sport ku soo gebagebysay Degmadda Shingaani.

CCA oo Tartan Sport ku soo gebagebysay Degmadda Shingaani.

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed  “Centre for Community Awareness” ayaa waxay soo gabegbaysay Tartanka Ciyaarta Fustalka oo muddo hal isbuuc ka socotay Garoonka Degmadda Shingaani ee Gobalak Banaadir.

Agaasimaha Hey’adda CCA Maxamed Cabdi Xasan Sandheere oo ka hadlay Munaasbadaasi waxa uu faahfaahin ka bixiyey Hadafka loo qabtay Tartanka Sport-ga, wuxuuna xusay in Tartankaasi sare loogu qaadayey Nabadda iyo Is-dhexgalka Bulshadda.

Agaasimaha waxa uu tilmaamay inay Madaxda Hay’adda CCA ka go’an tahay inay kaalin wanaagsan ka qaataan Wacyi-gelinta, Isdhexgalka iyo Dhiiri-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Horumarinta Dhallinyarradda, si ay u noqdaan kuwo nadiif ka ah Xag-jirnimadda iyo Dhaqan-xumida kale.

Maxamed Cabdi Xasan Sandheere waxa u mahadceliyey Madaxda Degmadda Shingaani iyo Kooxihii ka qeyb galay Tartanka Fustalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Hay’adda CCA abaalmarin siinayaan Shaqsiyaadka iyo Kooxihii Kaalinta ka qaatay Tartankaasi oo socday muddo hal isbuuc ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmadda Shingaani, Axmed Xasan Yalaxow, Guddoomiyaha Xiriirka Olombikadda Soomaaliyeed, Xasan Aadan Yabarow “Wiish”, G/xigeenka Isboortiga Degmadda Shingaani, C/rashiid Xasan Xalane “Xiimaay” iyo G/xigeenka Arrimaha Bulshadad ee Degmadda Shingaani, Maryan Bedel Xasan ayaa ka hadlay Tartankaasi, waxayna ku booriyeen Madaxda iyo Hawlwadeennadda Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA inay joogteeyaan Barnaamijyadda lagu wacyi-gelinayo Bulshadda, laguna horumarinayo Sport-ga.

Mas’uuliyiinta waxay carrabka ku dhufteen inay Hay’adda CCA safka hore kaga jiraan Hay’addaha u xilsaaran Wacyi-gelinta Nabadda iyo Horumarinta Bulshadda.

Dhinaca kale, Hay’adda CCA oo soo qabanqaabisay Tartankaasi waxay Abaalmarino kala duwan  guddoonsiiyeen Kooxihii Kaalimaha hore ka galay Tartankaasi, iyadoo Kooxda Midnimo oo ku guuleysatay Tartankaasi la guddoonsiiyey Koobka Koowaad ee Tartanka, halka Kooxda Mooyaale la guddoonsiiyey Koobka Labaad ee Tartanka.

Kooxihii kale ee ka  qeyb galay Tartankaasi waxaa dhamaantooda la  guddoonsiiyey Bilado iyo Qalab Sport oo dhiirigelin u ah Horumarinta Sport-ga iyo Isdhexgalka Bulshadda.

Munaasbadda lagu soo gebagebeynayey Tartanka Fustalka ee lagu qabtay Garoonka Degmadda Shingaani, waxaa kaloo ka soo qeyb galay G/xigeenka K/Cagta ee Gobalka Banaadir, Haaruun Cabdi Maxamuud, G/xigeenadda Siyaasadda, Ammaanka iyo Arrimaha Bulshadda ee Degmadda Shingaani, Guddoomiyayaasha Afarta Waaxood ee Degmadda, Guddoomiyayaasha Dhallinyarradda, Sport-ga iyo Haweenka ee Degmadda Shingaani iyo Dadweyne aad u fara badan.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed  “Centre for Community Awareness” waxay hada iyo jeer qabanqaabiyaan Tartamo Sport iyo Barnaamijyo lagu dhiirigelinayo Dhaqanka iyo Isdhexgalka Bulshadda ku qabteen Degmooytinka Gobalka Banaadir iyo Goballadda kale, iyadoo ay Barnaamijyadaasi kaalin wanaagsan ka qaataan Wacyi-gelinta Bulshadda ee dhinacyadda Adkeynta Nabadda iyo Horumarinta Dhaqanka iyo Sport-ga.

© Radio Dalsan

SHINAGANI 14 SHINGANI 000 SHINGANI 4 SHINGANI 3 SHINGANI 01 SHINGANI 7 SHINGANI 6 SHINGANI 10 SHINGANI 9 SHINGANI 8 SHINGANI 13 SHINGANI 12 SHINGANI 11 SHINGANI 17 SHINGANI 16 shingani6666 shingani99999 SHINGANI 22 SHINGANI 20 SHINGANI 19 SHINGANI 18 shingaani 11111 shingaani 4444 shingani 888888 shingani 00000 shingani 777777

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories