HomeWararDuuliyihii Raashiyaanka ee la soo badbaadiyey oo hadlay.

Duuliyihii Raashiyaanka ee la soo badbaadiyey oo hadlay.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Mid ka mid ah Duuliyayaasha oo lagu magacaabi jirey Lt.Colonel Oleg Peshkov ayaa waxaa dilay Kooxo hubeysan oo uu u gacan-galay, halka  mid kalena la soo badbaadiyey, kaasi oo sheegay inaysan Milliteriga Turkiga na siinin wax digniin ah.

Captain Konstantin Murakhtin oo ah Duuliyihii Koowaad ee Diyaaradda Raashiyaanka ee la soo badbaadiyey ayaa ka codsaday Taliyihiisa inuu u oggolaado inuu sii joogo dalka Syria.

Captain Murakhtin oo ka soo jeeda Qoys Raashiyaan ahaa Duuliyayaal Ciiddanka Cirka, waxa uu aabihiisa ahaa Lt. Colonel ayaa sheegay in xilliga gantaalka lagu soo duqeeynayey Diyaaradda inuu isagu hagayey Diyaaradda oo ku duulaysay jog qiyaastii dhan 6,000 meter altitude.

Waxa uu sheegay inay wax kasta u cadaayeen oo ay cadceed jirtay, isla markaana uu si fiican u arkayey Khariidada, halka uu ku duulayey iyo halka uu yahay xuduudka.

Captain Murakhtin oo Saxaafadda kula hadlay Saldhiga ciiddanka Cirka Raashiya ee Hemeimeen ee dalka Syria ayaa sheegay inuusan xitaa xilligaasi lka baqanayn inuu galo Hawada Turkiga.

Mar wax laga weydiiyey qaabka loo soo badbaadiyey waxa uu sheegay inuu muddo dhowr saacadooda ku dhuumaalaysanayey dhulka Hawdka, ka hor inta aan helin, isagoo isticmaalayo iftiinka Fooneeyaha hagida.

Captain Murakhtin waxaa soo badbaadiyey 18 ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee Dowladda Syria iyo 6 dagaalyahan oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xisbullaahi ee taageeradda siiya Milliteriga Syria.

Captain Konstantin Murakhtin 1 Captain Konstantin Murakhtin 2 Captain Konstantin Murakhtin 4 Captain Konstantin Murakhtin,

© Radio Dalsan                      

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories