HomeWararUrurka NUSOJ oo cambaareeyey Falkii ay Puntland ku xireen Weriye Jaamac Deberani.

Ururka NUSOJ oo cambaareeyey Falkii ay Puntland ku xireen Weriye Jaamac Deberani.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

   War-saxaafadeed ka so obaxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyey Tallabadda ay Boliska Puntland maanta ku xireen Weriye Jaamac Yuusuf Jamaac “Deberaani” oo u shaqeeya Telefishinka Somali Channel. “ Xarigaasi waxa uu muujinayaa falalka soo noqnoqday ee ka dhanka ah Madax-banaanida Saxaafadda iyo Xorriyadda Hadalka ee Puntland” ayaa […]

- Advertisement -

 

NUSOJ War-saxaafadeed ka so obaxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyey Tallabadda ay Boliska Puntland maanta ku xireen Weriye Jaamac Yuusuf Jamaac “Deberaani” oo u shaqeeya Telefishinka Somali Channel.

- Advertisement -

“ Xarigaasi waxa uu muujinayaa falalka soo noqnoqday ee ka dhanka ah Madax-banaanida Saxaafadda iyo Xorriyadda Hadalka ee Puntland” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Boliska Saldhiga Dhexe ee magaalladda Garowe u yeereen Weriye Jamaac Deperani, kadibnaay xireen markii uu u yimid,  iyagoo aan haysanin Amar Maxkameed.

Ururka NUSOJ waxay sheegeen inay garab taagan yihiin Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ee cambaaraynta falka lagu xiray Weriyahaasi, waxaana Maamulka Puntland loogu baaqay inay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan Weriyahaasi, loona oggolaado inuu Hawlihiisa Saxaafadeed sii ambaqaado.

- Advertisement -

Bishan November 10-da ayey ahayd, markii ay Wasaaradda Warfaaafinta Puntland ay mamnuucday Hawlihii Warbaahineed ee uu Weriye Jaamac Deperani ka hayey gudaha Puntland, gaar ahaan Barnaamijka “Deperani Show” ee uu ka baahiyo telefishinka Somali Channel

© Radio Dalsan

Latest stories