HomeWararUganda: Alshabaab oo laga cabsi qabo inay weerar la beegsadaan Boobka...

Uganda: Alshabaab oo laga cabsi qabo inay weerar la beegsadaan Boobka Diinta Masiixiga.

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Afhayeenka Milliteriga Uganda, Kolonel Paddy Ankunda ayaa sheegay in heegan la geliyey in ka badan 10,000 oo Saraakiil Bolis oo ay Milliterigu taageerayaan, si ay u sugaan booqashadda uu Boobka ugu weyn Diinta Kirishtaanka, Pope Francis dabayaaqadda bishan ku tegayo Uganda. Paddy Ankunda waxa uu sheegay inay jirto cabsi ku aadan Weeraro ay Alshabaab ka […]

- Advertisement -

paddy ankundaAfhayeenka Milliteriga Uganda, Kolonel Paddy Ankunda ayaa sheegay in heegan la geliyey in ka badan 10,000 oo Saraakiil Bolis oo ay Milliterigu taageerayaan, si ay u sugaan booqashadda uu Boobka ugu weyn Diinta Kirishtaanka, Pope Francis dabayaaqadda bishan ku tegayo Uganda.

Paddy Ankunda waxa uu sheegay inay jirto cabsi ku aadan Weeraro ay Alshabaab ka geysan karaan Uganda, iyadoo laga tusaale qaadanayo qaraxyaddii ay Alshabaab ka geysteen Kampala sannadkii 2010-kii, laguna dilay 76-qof.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Afhayeenka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AFP inay had iyo jeer cabsida ka timaado Dagaalamayaasha Alshabaab.

Waxa uu xusay in 10,200 oo Saraakiil ah loo daad-gureeyey Ilaalinta Ammaanka Pope Francis oo uu xusay inuu yahay nin Shacbiyad badan ku dhex leh Uganda.

Baadariga ayaa  la filayaa inuu dabayaaqadda bishan booqasho ku soo kala bixin doonaa dalalka Uganda, Kenya iyo Kongada Dimuqraadiga.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kenya ayaa adkaynayso Ammaanka, si aysan Dagalaamayaasha Alshabaab u geysanin weeraro xilliga uu Boobka Masiixiga uu booqan doono Kenya.

Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay Muwaadiniintooda inaysan booqanin Kenya, cabsi laga qabo inay Alshabaab geystaan weeraro iyo Isqarxin loo adeegsan karo gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

© Radio Dalsan

 UGANDA POLICE

 

Latest stories